Degmada Madiina oo kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir ayaa xaaladeeda ammaan si aad ah looga dayrinayaa kadib markii halkaasi kuu kusii kordhay dilka iyo dhaca loo geysanayo rayidka oo iminka waxyaabo kale ay kusoo kordheen.
Habeenkii xalay waxaa lagu dilay degmadaasi gaar ahaan xaafadad loo yaqaan damabeynka ruux rayid ah kaasi oo ay bastooladley madaxa kala dhaceen rasaas halkaasina ku qurbaxay.
Lama garanayo in uu ku lug lahaa la shaqeynta dowladda TFG-da iyo inkale inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in ninkaasi uu ahaa ruux rayid ah oo aanu shaqo ku laheyn arrimaha dowladda TFG-da.
Dhinaca kale waxaa lagu afduubtay isla xalay degmadaasi Nin isna aanan la garan shaqadiisa hayeeshee kamid ahaa dadka degan degmada madiina, waxaana dad eheladiisa ah ninkaasi la afduubtay ay sheegeen in 7-ruux ay gurigiisa kala baxeen.
Lama garanayo illaa iyo iminka halka lala aaday ninkaasi iyadoo falkaasi afduubka uu ku yahay degmada madiina kii ugu horeeyay oo afduub ah, waxaana Muqdisho xilligii hoggaamiye kooxeedyada ay aheyd afduubka wax iska caadi ah inkastoo iminka la waayay lakin waxay u muuqaneysaa in iminka ay dib u soo bilaabatay.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...