Xoogaga kacdoonka wada ayaa habeenkii xalay waxa ay weerar ku qaadeen mid kamid ah guri uu degan yahay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka TFG-da oo kuyaalla Bartamaha magaalada Baydhabo.
Xildhibaankaasi ayaa lagu magacaabaa Ibraahim C/nuur, waxaana uu deganaa Xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo, waxaana xoogagii weerarka kusoo qaaday ay halkaasi dagaal kula galeen maleeshiyaadka TFG-da oo halkaasi kusugnaa.
Dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu socday kudhawaad nus saac inkastoo markii dambe ay halkaasi isaga tageen xoogagii wax iskacaabinta, waxaana goobta soo gaaray sida wariyeyaasha baydhabo kusugan ay kusoo waramayaan maleeshiyo uu leeyahay Aadan Madoobe.
Magaalada Baydhabo waxa ay kamid noqotay goobaha ay weerarada ka dhacaan sida Muqdish oo kale iyadoo la bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta dowladda TFG-da.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...