Waxaa maanta magaalada Jabuuti si rasmi ah uga furmay kalfidhigii labaad ee golaha dhexe ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed kaasoo ay kasoo qayb galen xubnaha goloha dhexe intooda badan oo gudaha iyo dibadda isaga yimid iyo marti sharaf kalaba.
Shirka oo socon doona 19-24 Julay 2008 ayaa martida kasoo qayb gashay ay ka mid ahaayeen safiirka Sacuudiga iyo wakiilka midawga yurub u fadhiya halkaasi iyo madax kasocota dawlaada Jabuuti.
Kalfhidhiga ayaa madaxdii ka hadashay waxaa ugu muhiimsanaa labada gudoomiye ee Isbahaysiga iyadoo uu Sh Sharif halkaasi ka soo jeediyey khudbad aad qiimo badnayd isagoo xusay in khifaalkii Maxkamadaha lagu soo afjaray magaalada Sanca.
Golaha dhexe ayaa kawada hadli doona dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsan tahay la xisaabtanka golaha fulinta, eegista hawlaha Isbahaysiga hor yaalla iyo ka doodista iyo ansixiinta heshiiska dib u heshiisiinta ee Isabahaysigu qaatay.
Xubanaha Isbahaysiga ee ku harsan Asamara ayaan la ogayn waxa ay yeelin doonaan iyo inay halkaasi imaan doonaan maalmaha soo socda iyadoo uu haatan jiro is afgarad labada dhinac ku dhex maray Sanca.
Xubnaha Jabuuti ku shirsan oo ay ku jiraan rag ka mid ah kuwii iskacaabinta gudaha ka waday ayaa ilo shirka ku dhaw sheegayaan inay kor u dhaafeen kooramkii loo baahnaa inuu shirku ku qabsoomo oo boqol iyo dhawr qofood ay halkaasi joogaan taasoo sharci ahaan ka dhigaysa sida dastuurkoodu qabo in shirku qabsoomi karo. go'aanno sharci ahna qaadan karo.







Set as favorite
Bookmark
Hits: 327
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...