Xoogaga kasoo horjeeda dowladda TFG-da iyo Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saakay waxa ay weerar ku qadeen Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh dhismaha warshadii hore ee bastada.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in la isku adeegaday hubka nocyadiisa kala duwan iyo sidoo kale madaafiicda Hoobiyeyaasha loo yaqaano oo labada dhinac ay wada ridayeen.
Dagaalka kadib ayaa Ciidamada Itoobiyaanka dhankooda waxa ay madaafici iyana ku garaaceen Xaafadaha dhinaca waqooyi ka xiga warshada bastada inkastoo madaafiicdaasi ay kudhacday xaafado aanu cidina daganeyn mana jirto cid ku waxyeelowday halkaasi.
Inta badani arrimahani ayaa marka ay dhacaan waxa ay sameeyaan Ciidamada Itoobiyaanka Baaritaano xoogan iyo sidoo kale soo qab qabasho dad fara badan oo rayid ah kuwaasi oo badankooda meydadkooda ay soo dhigaan waddooyinka iyaga oo lasoo tooktay, mana jirto mas’uuliyiinta TFG-da oo ka hadasha arrintaasi marka wax laga weydiiyana waxa ay inta badan ku xanaaqaan wariyeyaasha wax weydiinaya.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 222
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...