Waxaa soo baxaya khasaarihii ka dhashay Madaafiicdii shalay qeybo kamid ah Muqdisho ay isku weydaarsadeen Ciidamada Uganda iyo kuwa Itoobiyaanka oo garab ah iyo Xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda.
Inta la ogyahay 4-ruux oo rayid ah ayaa dhaawacyo ka soo gaaray kuwaasi oo wada rayid ahaa kadib markii AMISOM ay madaafiic culus uga jawaabeen Hoobiyeyaashii shalay lagu weeraray iyadoo dhinac kalena ay Itoobiyaanka ka tuurayeen Madaafiicdaasi.
Dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa waxaa la gaarsiiyay Isbitalka Madiina ee Gobolka Banaadir halkaasi oo lagu daweynayo, waxaana suuragal ah in khasaaraha intani uu ka badan yahay maadaama madaafiicdu ay kudhaceen qeybo kala duwan oo Muqdisho kamid ah.
Majirto weli tiro sax ah oo laga soo sheegayo dadkii ay waxyeellada kasoo gaartay Madaafiicdii shalay inkastoo isbitaallada marka aad aado aad arkeyso in ay aad u mashquulsan yihiin.
Maalintii shalay gelinkeeda dambe ayay aheyd markii Xoogaga Mucaaradka ah ee wax iskacaabinta ay Madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale Iskuulkii xanale oo ay Ugandeska degan yihiin, waxaana iyaguna caado u noqotay Ugandeska in ay jawaab ka bixiyaan Hoobiyeyaasha lagu weeraro.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...