Daryanka Madaafiicda waa weyn iyo Qoryaha Lidka diyaaradaha ayaa hareysay Magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta kaasi oo lagu garaacay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Hoobiyeyaashani lagu garaacay garoonka iyo xaruntii dugsiga Xalane oo ay kusugan yihiin Ciidamada AMISOM waxaana uu kudhacay madaafiicdaasi qeybo kamid ah xarunta ay kusugan yihiin inkastoo aanu cidina halkaasi uga waxyeeloobin sida ay sheegteen AMISOM.
Mas’uuliyiinta AMISOM ee kusugan Muqdisho ayaa sheegay in Hoobiyeyaasha goobta laga soo tuuray ay ku beegan tahay Xaafadda African Village ee deegaanka Suuqa Bakaaraha inkastoo aysan sheegin cidda ay ku tuhmayaan in ay Hoobiyeyaashaasi soo rideen.
Dhinaca kale Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo laga tuuray Madaxtooyada ayaa iyana waxa ay ku dhaceen xaafado kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir inkastoo aanan weli lasoo sheegin cid kuwaxyeelowday.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...