Tahriibayaal Soomaaliyed oo ku xirnaa xabsiyada kuyaala wadanka Sudan ayaa laga siidaayay kadib dadaala kala duwan oo loo galay arrintaasi iyo sii deynta dadkaasi Soomaalida.
Soomaalidani Tahriibeyaasha ah ayaa lagu soo warmayaa in ay gaarayeen 42-ruux, waxaana ay xirnaayeen muddooyin kla duwan iyadoo dadka qaar ay xirnaayeen dhowr bil halka kuwa kalena ay xirnaayeen sanad wax dhowr bil ka harsan.
Sida ay kusoo waramayaan wakaalada wararka waxa ay ku xirnaayeen tahriibeyaashani xabsiyo kuyaala dhinaca Gobolada wadanka sudan, taasi oo sababta in dadka xiran muddo la waayo inkastoo muddo marka ay gobolada ku xirnaadaan ugu dambeyntii la keeno xabsiyada caasimadda.
Soomaalidani lasoo daayay ayaa markii lasoo daayay waxa ay ka hadleen qaabkii loola dhaqmay iyaga oo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay oo aanu jirin wax jir dil ah oo loogeystay sida ay hadalka u dhigeen, waxaan badankooda laga soo qabtay xadka Sudan ay la wadaagto dhinca Eritrea.
Soomaali fara badan ayaa waxa ay ku nafwaayaan xilliyada ay wadanka ka cararaan goobaha ay u tahriibaan iyadoo sidoo kale wadanka waxa ay uga cararaan oo ah dagaalo iyo waxbarasho la’aan ay qaarkood ku qabsato goobaha ay u cararaan.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...