GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Wednesday
Nov 19th
Home Wararka Siyaasadda Mas’uul katirsan Safaaradda Yeman ee Soomaaliya oo la jir dilay.

Mas’uul katirsan Safaaradda Yeman ee Soomaaliya oo la jir dilay.

E-mail Print PDF

Gelinkii dambe ee shalay ayaa mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Yeman ay ku leedahay Magaalada Muqdisho waxa ay booqasho ku tageen deegaanka c/casiis si ay halkasi u soo kormeeraan.

Mas’uuliyiintani ayaa waxa ay soo kormeerayeen Dhul cusub oo ay ka gateen dhanka Xeebta Liido halkaasi oo ay ku bilaabeen dhismo iyaga oo doonaya in ay ka dhigaan Xarunta ay Safaaradda Yeman ku leedahay Muqdisho.

Qunsulka Yeman oo lasocday Mas’uuliyiintaasi ayaa markii ay gaareen xarunta waxaa halkaasi ku ilaalinayay Maleeshiyada Maxamed dheere, markii uu dhameystay booqashadiisa ayay weydiiyeen Maleeshiyada Maxamed dheere wax xoogaa lacag ah.

Qusunlka Yeman ayaa iska dhega tiray lacagtaasi, waxaana uu isku dayay in uu gaarigiisa ku laabto, waxaana markii uu gaariga ku laaban tegay durba lagu qabtay qoryo isaga oo halkaasina lagu garaacay.

Qori baadkiisa ayaa si xun loogu garaacay qunsulka illaa maleeshiyada ay iyagu ka daalaan iyadoo ugu dambeyntiina qusunlka gaarigiisa lagu celiyay sidaasina lagu fasaxay xilli si aad ah loo jir dilay.

Mar aanu la xiriirnay Safaaradda Yeman ayay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrintani inkastoo ay sheegeen in ay si guud uga hadli doonaan jirdilka loo geystay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Dhanka Maxamed dheere oo maleeshiyadiisa ay jirdilka geysteen, waxaana muuqaneysa in Maleeshiyaadka TFG-da ay weli yihiin kuwa aad u gaajeysan isla markaasina magaalada waxa dhaca kuwada ay iyagu qeybta ugu weyn yihiin.

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda Waxaynu bartamaha uga jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan, oo caan ku ah inay tahay  bishii la soo ...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan Credit crisis began 13 months ago in August 2007 when the growing payment mortgages deficit, put mil...

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac “Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah