Axmed Waldi Cabdala, Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qodobada ay isku raaceen ergada mucaaradka Soomaaliya iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ay ka mid tahay in wax laga qabto arrimaha bini'aadaminimada ee ka jira dalka Soomaaliy.
Waldi Cabdala ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu baaqeen dhinacyada taageerayaashooda in ay gacan ka gaystaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan wax loogu qaban lahaa,wuxuu kaluu sheegay in la isla gartay in dhibaatada Soomaaliya lagu xaliyo si nabad ah iyo in la ilaaliyo xuduudaha, madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya.
Wakiilka xoghayaha guud, wuxuu kaloo xusay in dhinacyadu isla garteen in shir kale ay isugu yimaadaan 31-ka bishan May oo ay ku kulmaan magaalada Djibouti, iyadoo Dowladda Djiboutina looga mahadceliyay martigalinta Martigaliyeen Shirkaani .
Dhinaca kale waxa wali ku sugan Dalka Djibouti ergadii isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyee oo ay maanta ku soo biireen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyadoo ay ka dhoofeen ergadii dhexdhexaadinta ee Qaramada Midoobay oo Nairobi u ambabaxay iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

kuwo ka tiursan TFG ma jecleesan doonaan, kuwo ka tirsan isbahaysiga Asmara ma jecleesan doonaan, laakiin tareenka nabadda inuu socdo waaye
Votes: +1
Qurbujoog soo qaatay tarbiyo gaalo iyo lacagteedaba heshiis ma u geli karaan mujaahidiinta.
jihaadku waa ka ween yahay wax la gadan karo.
shirqoolka gaaladana umada soomaali maku hodmeeso.
shabaab waa diiday
Sheekh Yuusuf Indhacade waa diiday
Sheekh Xasan Daahir waa diiday
qurbojoog hala aadaano qurbaha
Votes: -1
dhibaatada soomaaliyeed ee sii socota Itoobiyaanka ayaa ka faaiidaysanaya
itoobiyaanka ilmahoodu wax bay u bartaan
hooyooyinkooduna isbitaalay ku dhalaan
askartooduna Xamar ayay ku tababartaan
aan caqli yeelano, oo si farsamaysan isaga saarno
marmarsiinyahoodana meesha a laga saaro
shirkaan jabuuti waddadaas ayuu qaaday
waa in caalamka lala hadlaa iyadoon itoobiya loo tanaasulin
Votes: +2
Votes: +0
walaalayaalow shir laqabnayaa jabuuti ama meelo kale mar warlba
waxaa ku dhex jira qaramada midoobay iyo maraykan balfiiriya
majiraa meel ay galee oo dagaalo kajireen oo ay xal usameeyeen?
majirto dhibaato aan ayaga ahayn malaha adduunku laakiin waxaan
dhihilahaa dadka wax kasugaya oo maaha dad ayugu jiran ama dhahaya
hoo qofyahow igu qal mididaan fiiri ciraaq afgaanistaa labnaan falastiin suudaan induniisisiya sinbaawe walaaloyaal waxaan xal ju heli karnaa
kitaabka alle ee aan unoqono waad ogtihiin intii yarayd ee maxkamadihii ay hayeen taladii muqdisho caafimaadkii aan helnay oo ay naga baxday jiradii ay nagu hayeen hogaamikooxeedyadii ushaqaynayey maraykan iyo qaramadamidoobay iyo dhibkii aan soo marnay 17 sano ee aan soo dhaafnay .
Votes: +0
Votes: +1
shirka jabuuti waxaa looga hadlayo waa somaliya in ay mid noqoto aan isla garano dhibka ee raga didan taas maxaa xal ah oo inoo hayaan ma dagaal kaliya ?
mise wax kale oo wax taraya . oo aan nabeed aheeyn ayaa jirta?in laga hadlo
waxi dhacay waa dhaceen oo gaf ama dambi ah ee nabada ka shaqeeya dhibka waa harayaa ilaa idinkiisna itobianka waa ay naga baxayaan .
Votes: +0
Votes: +0




Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...