C/llaahi Yuusuf ayaan isagu ogolayn in wax awood qaybsi ballaaran lala sameeyo Isbahaysiga, sida uu horey ugu sheegay VOA qaybteeda Soomaaligana wuxuu sheegay inaysan Isbahaysigu hawaba ka gelin karin oo aan la siinayn sedexda jago ee ugu sarraysa, halka Nuur Cadde uu sheegay in uu diyaar u yahay inuu jagadisa ka tanaasulo haddiiba heshiis lagu helayo.
Dhanka kale wafdiga TFG-da usoo dirsaday Jabuuti ayaa khilaaf xooggan ku yimid ka dib markii C/llaahi Yuusuf oo diiday liiskii Nuur Cadde soo gudbiyey. Wafdiga ayaa isugu jira seddex qaybood; wasiirro,xubno baarlamaan iyo xubno kale. Sida lagu waday waxay ahayd in C/llahi xubnaha kale soo magacaabo halka wasiirrada iyo xubnaha Baarlamaanka ay soo kala magacaabi lahaayeen Nuur Cadde iyo Aadan Madoobe.
Nuur cadde ayaa xubnihoo uu rabay ee wasirrada ahaa laga diiday oo C/llaahi kuwa kale ku magacaabay, halka Aadan Madoobe uu ka biyo diiday raggii uu C/llaahi baarlamaanka ka magacabay oo Gacmahdeere ka mid ahaa, isagoo sheegay in sida Nuur Cadde loo marsaday inuusan isagu yeelayn.
Khiillaafka TFG-da oo iyagu aan wadahadalka asal ahaantisa isku diidanayn ayaa waxaa qariyey kan Isbahaysiga ee warbaahinta ay ka kala sii daayeen aragtiyo kala duwan oo ku wajahan shirka Jabuuti.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 697
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...