GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Monday
Dec 01st
Home Wararka Siyaasadda Ethiopianka oo Dayniile Raashin ka qeybiyay

Ethiopianka oo Dayniile Raashin ka qeybiyay

E-mail Print PDF

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay waxa ay raashin u qeybiyeen dadweynaha ku nool xaafada Deyniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo tilaabtaani siyaabo badan roo fasiran kaeo.

Raashinka ay Ciidamada Itoobiyaanku qeybiyeen ayaa ahaa masaggo, iyadoo ay qoysaska xaafada Deyniile gacanta ugu qeybinayeen loorar masaggo ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa afar boqol, waxaan la sheegay in 4 qofba la siinayay 1 loor.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa tan iyo intii ay ku sugnaayeen gudaha Somalia Mudo laga joogo 17 billod aan loo ga baran wax aan ahayn PM iyo dil iyo gawarac, Iyadoo tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ethiopia oo ah mid aan horey looga baran ayaa dadka qaarkiis fajaciso ku noqotay, walo dadka qaarkiis ay is waydiinayaan wax ka danbeeyn doona Tilaabadaan.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa sheegay in ay Mushaarkoodaa ka soo jareen Lacagta lagu soo iibiyay raashinkaan walo ay goobjogayaashii halkaasi ku suganaa sheegeen in raashinkaasi ay ku qorneed USA Aid oo ah Hay'ad Samafal, taas oo loo fasiran karo in Mareykanku u soo dhiibay raashinka Itoobiyaanka si ay waji khiyaano ah ula yimaadaan amaba u soo jiitaan Shacabka soomaliyeed ee Gumeysiga ka dhiidhinaya.

Dadweynihii loo qeybiyay raashinka ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay iyadoo qaarkood oo saxaafada la hadlay sheegay in raashinkaan allah uga soo qaaday balse aysan ahayn raxmad ka timid ciidamadaasi oo iyagu dilay ama dhawacay kumanaan kun oo dad rayid ah. wuxuna isweydiiay Abwan Bacadle oo isgu fikradiisa ku cabirey shirib in masagadu Magdhaw u tahay Madaafiicdii lagu laaya shacbka somaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee Loorka Masagada ah ayaa qiimo ahaan ka jooga Magaalada Muqdisho $9 halka madaafiica ay ciidamada Itoobiyaanku ku garaacayaan dadka rayidka ah ay ku fadhiso Kumanaan Dollar, halka sida lagu sheegay warbixintii Mareykanka ay ka soo saareen Duqeyntii Duusamareeb, gantaalada lagu duqeeyay Magaaladaasi ay ku fadhiyeen qiimo ahaa Balaayiin Dollar.

 

 

 

 

Trackback(0)
Comments (2)add comment
cabdulqaadir: my idea http://goobjoog.com
waxaan aamin sanhay cidamada itoopia ee xooga kuhaysta soomaaliya in aysan usuurta galidoonin masago in ay nugu canciyaan badaha naga malay goodana ay iska gurtaan. mida labaad nabad iyo colaad wax kadhexeeya majiraan. Ethopia maanta waxaa naga dhaxeysa xabad iyo isgowrac. Ethiopia must withdraw from our soul otherwise there will be no solution other than that. we will continue our struggle for independence until we liberate our country. we don't need Ethiopian expired wheat. They brought to us dangerous diseases such as hIV aids.

sincerely somali lover
1

report abuse
vote down
vote up
May 15, 2008
Votes: +0
Hassan Moalin: mr
waxa aan u baahneyn in la is weydiiyo maanta waxey tahay waxa aanu ka qabno in ethiopia inoo qeybiso raashin iyadoo ey iyaguba dameeradoodii baahi u bakhtiyeen waxaanu leenahay war waxba inkama rabnee wadankeena iskaga baxa show off weey u dhamaatay xabaddana kama baqno waanu ku jiideynaa oo waanu ku diidney amxaaro out of our country.


yours

faithfuly
2

report abuse
vote down
vote up
May 15, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques IntroductionIslamic finance and Banking is no longer just a theory or a dream. In fact it is now a r...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah