Maantay galankii danbe ayaa magaalada Jabuuti waxaa ka dhacay xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay taas oo ay isugu yimaadeen madax iyo diblomaasiyiin ka kala socotay dawladda martida loo yahay, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, darjirayaal iyo labada garab ee Soomaalida Isbahaysiga iyo TFG-da.
Shirka ayaa halka dhexe ay fadhiyeen diblomaasiyiinta ajnabiga ah, halka ay labada geesna ay ka kala fadhiyeen gudiyadii ka kala socday TFG-da iyo Isbahaysiga. Xafladda ayaa erayo kooban waxaa ka kala jeediyey madax matalaysay dhinacyadii kasoo qayb galay iyadoo dawladda iyo isbahaysigana ay u kala hadleen labada nin ee kala hogaaminaysay wufuudda ay soo dirsadeen.
Dawladda Jabuuti ayaa waxaa u hadlay wasiirka Awqaafta Mudane Xaamid oo aad ugu dheeraaday khudbaddiiisa oo Carabi iyo Afsoomaaliba uu ku kala jeediyey isagoo Soomaalidana u tilmaamay in arrintood marxalad kala guur ah taagan tahay.
Dhanka dawladda waxaa u hadlay ninkii wafdiga hogaaminayey C/risaaq Ashkiroo sheegay in dawladdu wadahadal diyaar u tahay. Halka C/raxmaan Warsame oo u hadlay wafdigi Isbahaysigana uu sheegay in mushkiladda ugu weyn ee Soomaali haysataa ay tahay Itoobiya oo Soomaaliya ka dhigatay kawaan xiran oo ay dadka ku gawracaan.
Xafladda ayaa dhammaatay iyadoo labada garabna ay laba irid ka kala baxeen. Shirka ayaa la filayaa in si aan fool ka fool ahayn muddo kusii socdo kadibna fadhiyo danbe la isugu soo noqdo.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...