GOOBJOOG

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Thursday
May 22nd
Home Wararka Siyaasadda Isbahaysiga iyo TFG-da oo Cumar Geelle Isukeenayo

Isbahaysiga iyo TFG-da oo Cumar Geelle Isukeenayo

E-mail Print PDF

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helayno magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweynaha dalkaasi mudane Cumar Geelle uu qasrigiisa madaxtooyada galabta isugu keeni doono Garbaha Soomaalida ee la filayey in Sabtidii uu halkaasi shir uga furmo.

 

Warka ayaa intaa ku daraya in weli ay Isbahaysigu diiddan yihiin in fool ka fool la isku soo ho rfariisto iyadoo  weli aan waqti cad loo qaban oo ay ku baxayaan, dalkana ku sugan yihiin, dil iyo barakacinna ka wadaan ciidamada Itoobiya ee sheegta inay TFG-da garab taagan yihiin balse Soomaali badan rumaysan tahay in gumaysi dadban ay halkaasi ka waddo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa isku dayaya inuu arrinta si uun u daahfuro isaga oo maanta Qado isugu yeeray dhinacyada dalkiisa ku ballansanaaa inay ku shiraan taas oo ay isbahaysiga iyo TFG-dana ay ka aqbaleen laakiin ay weli Isbahaysiga ku adkaysanayaan inaysan wadahadal toos ah la galayn TFG-da oo ay sheegaan inaysan awood u lahayn inay Itoobiyaanka dalka ka saaraan, isla markaana ay weli gawraca Itoobiya samayso ku sheegaan isdifaac, nabi baabah iyo raad tirisna la daba joogaan.

 

Would Cabadalla ayaa isaga yoolkiisa koowaad uu yahay inuu isa soo hor fariisyo labada dhinac oo taasi magac weyn u tahay, haddii la doono yaananba marka danbe lagu heshiin halkaasi'e halka TFG-dana ay doonayaan inay wax qabad ka dhigtaan inay kooxdii ugu muhiimsaneed mucaaradka wada hadal la billaabeen.

Isbahaysiga ayaa doonaya in ilaa bixitaanka Itoobiya meel cad la saarayo aysan wadahadal fool ka fool ah la galin TFG-da si aysan maxlal labaad ugu noqon ciidamada Xabashida, iyadoo wada hadalkuna u baahan yahay inuu u kala dabqaad iyo waqti qaato, haatanna laga sii wada hadlo, waqtiga ay Xabashidu dalka ka baxayso iyo sidii dadka dhibaataysan gargaar insaanimo loola gaari lahaa oo dhinacyada isku haya Soomaaiya damaanad qaadaan ammaanka Samafalayaasha, beesha caalamkana marka hore looga fadhiyo in gargaar insaanimo la gaaraan dadka barakacay iyo kuwa abaaraha iyo dagaalladu gaajada iyo cudarrada badeen. Sidoo kalana caddeyaan inay tallaabo cad ka qaadayaan kuwa sida xaqdarrada ah shacabka u gawracaya.

 

 

 

Trackback(0)
Comments (1)add comment
Mohammed Abdulle: Weli fari kama qodna http
1- 90% soomaalidu waxa ka wada siman yihii ciidamadda xabashida bixitaankooda meel la saaro,taas oo aan la xalin wax nabad ah oo ka dhalanayaa ma jirran shirkan.
2- waa in miiska la saaraar madaxweynimada, ra;iisuwaraaraha,guudoomiyaha baarlamaanka.
soomaalida iyo inta nabada jecel dalku halaag ayuu soomaray
yaan waxba loo dhiibin abdullhi yusuf waa dagaal ooge waa in lakeenaa wajiyo cusub oo safar ku leh caalam iyo ummada dhexdeeda,waa in la keenaa rag wax bartay oo diinta islaamaka wax ku fahamsan diiga qofka soomaaliga ah qiimihiisa yaqaan
1

report abuse
vote down
vote up
May 12, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa?

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa? Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...

"Is-dhiib "Hilinnadii cadaabta

Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...

Qaranimmo iyo Islaamnimadu Ma Ka Qaalib Noqon doonaan Qabyaaladda.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed oo wadaaga dhaqan, diin, luqad, qowmiyad fara ba’an ku hayey sanadihii...

Kenya in the Somali crossfire

Kenya in the Somali crossfire The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2) Introduction In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1) Introduction US-backed Ethiopian forces invaded Somalia in December 2006. Meles Zenawi had t...

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصوم

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصومال : النشأة، الت...

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...

Badeeco Rakhiis ah