Shirka Jabuuti maanta lagu waday inuu ka furmo ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa dib u dhacay ka dib markii is faham xumo soo wajahday. Ilo ku sugan shirka ayaa noo xaqiijiyey in shirka maanta uu baaqday, berrise la filayo inay si rasmi ah isu arkaan dhinac ka mid ah labada dhinac ee Soomaaida iyo madaxa QM ee arrimaha Soomaaliya.
Shirka ayaa markii hadal hayntiisa ay billaabatay ay siyaabo kala duwan u dhigayeen dhinacyada ku lugta lahaa. Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa iyagu sheegay in Would Cabdalla ay kula soo heshiiyeen markii Nairobi la isugu tagay in wadahdal aan fool ka fool ahayn arrinta lagu billaabo iyadoo uu isagu labada dhinac ee Soomaalida mid mid ula kulmi doono, marka horena laga wada hadlo bixitaanka ciidamada Itoobiya ka dibna markii taa meel la isla saaro loo gudbo wada hadal fool ka fool ah kaasoo dhex mara labada dhinac.
Iyadoo uu sidaa heshiiskaa ahaa bay sheegeen in dhanka QM arrinta u dhigeen in haatanba 10 May la billaabi doono wada hadallo fool ka fool ah, iyadoo halkaana wufuud caalami ahba lagu marti qaaday. Maanta ayaa Isbahaysiga iyo Would Cabdalla arrinta ka wada hadleen iyadoo la filayo in berri isaga iyo Isbahaysiga shir yeeshaan. Lama oga in si kali kali ah uu labada dhinac ula kulmi doono oo sidaa shirka ku socon doono iyo in loo gudbi doono sida Would cabdalla doonaayo oo tii Isbahaysiga laga gudbi doono iyo in lagu kala dareeri doono.Shirarka noocaan oo kale ah ayaa ku fiican in bilawga ay ku billawdaan si qarsoon ama hooseeysa inta wax la sheegi karo la isla gaarayo, laakiin waxaan mooddaa in iyadoo qaabkii wadahadalka caddayn ay arrintu warbaahinta si xoog leh u gashay loona ekeysiiyey in qarka loo saaran yahay is faham, taasoo shirka iyo wadahaddalladaba dhicis ka dhigi karta.

Votes: +0
Votes: +0
Nabad waanu u oomanahay ee sidee lagu heli?. bal qof waliba ha falanqeeyo taa sida uu u arkana dad-waynaha intiisa kale ha u soo bandhigo. Mahad sanid.
Votes: +0
Votes: +0




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...