
Wararka aanu ka heleyno degmada Afmadow oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maamul cusub looga dhawaaqay degmadaasi kaa oo aanu ka amar qaadan isla markaana aanu hoos tegin maamulka TFG-da.
Munaasabaddii loogu dhawaaqayay Maamulkaasi oo maalimihii ugu dambeeyay ay wadeen odayaasha, waxgaradka, cuqaasha iyo dadka deegaankaasi ayaa maanta sababay in lagu dhawaaqo.
Gudoomiyaha Cusub ee ay doorteen dadka dagmadaasi ayaa waxaa laga dhigay Sheekh C/Qani Sh.Maxamed Qaloon halka gudoomiye kuxigeenkana laga dhigay Maxamed Sahal Iidle, waxaana sidoo kale jira guddi hoosaadyo aanan weli magacyadooda la shaacin.
Waxgaradkii ka hadlay munaasabaddaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay kaliftay sameysashada maamulkaasi kadib markii TFG-da ay kasoo badin weyday in ay muqdisho soo dhaafto oo Muqdisho xittaa aanay weli gacan ku heynin sidaasi daraadeedna ay iyagu sameysteen maamul u madax banaan.
Dhismaha maamulkani ayaa kusoo beegmaya xilli TFG-da ay sheegeyso in maamulkeeda ay ku baahin doonto gobolada dalka iyadoo waxgaradkii gobolada dalkuna ay bilaabeen in ay qorsheystaan dhismaha maamulo madax banaan.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...