Dagaal aad u qaraar oo ka dhacay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay wadada makka almukarrama kadib weerar lagu soo qaaday saldhigga ay waaberi kuleeyihiin maleeshiyada dowladda ayaa waxaa hadaba ka hadlay arrintaasi labadi dhinac ee dagaalka uu dhex maray.
Afhayeenka Ciidamada Booliska TFG-da C/laahi Cumar Ibraahim (Shac shaac ) ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Waaberi ay khasaaro u geysteen kooxihii shalay Weerarka ku soo qaaday Saldhaiga isla markaana ay ka dileen illaa 5-kamid ah kooxahaasi.
Sidoo kale waxa uu qiray in booliska ay ka geeriyoodeen 2-askari oo saldhiga katirsan inkastoo uu beeniyay in wax gaari ah laga gubay iyadoo gawaaridii la arkay ee lagubay ku tilmaamay in ay lahaayeen shacabka.
Dhinaca kale Afhyeenka Ciidamada Maxkamadaha Cabdi raxiim Ciise Caddow isna goobjoog u xaqiijiyay in halkaasi ay ku dileen 8-kamid ah maleeshiyada dowladda halka labo gaarina ay halkaasi uga gubeen, wuxuuna qirtay in dhankooda mid kamid ah ciidamadooda uu halkaasi ku geeriyooday isagoo intaasi raaciyay in Otto otto ay gacan kuheynteeda muddo kooban la wareegeen iyo sidoo kale wadada makka almukarama oo ah wada keliya ee dowladda ay isticmaasho.
Guulahani ay kala sheegteen ayaanan ka tarjumeynin xaaladda dhabta ah inkastoo saakay xaaladdu ay caadi aheyd hadana waxaa la arkay 2-gaari oo kuwa booliska ah oo halkaasi lagu gubay iyadoo meydadkana waa kuwii ay iska dileen lasheegayo in halkaasi durba lagu kala qaatay, waxaana weerarkani uu yahay kii ugu halisanaa oo lagu siktay in lala wareego guud ahaan wadada Makka Almukarrama oo ah wada keliya ee iminka dowladda TFG-da ay kudhaq dhaqaaqdo.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...