Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-mansuur) oo shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta gudaha qadka telkefoonka ayaa ka hadlay arrimo aad u fara badan.Arimaha ugu horeeyay oo uu ka hadlay ayaa wxaa kamid ah isaga oo sheegay in isaga iyo dagaalyahnnadooda ay gubeen 2-gaari oo Ural ah ayna ku gubeen inta u dhaxeysa Balidoogle iyo Tuulada Yaaqbarweyne ee G/sh/hoose.
Sidoo kale waxa uu sheegay in labadaasi gaari oo ay gubeen ay u dheereed in ay la galeen Itoobiyaanka dagaal xooggan halkaasina uu kusoo gaaray Itoobiyaanka khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida uu hadalka u dhigay Abuu-masnuur.
Dhinaca kale Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in ay dilayaan Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka mid ah dalka Soomaaliya xitaa haddii ay yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Saxafiyiin,Samafalayaal iyo shaqsi caadi ah waayo ayuu yiri waxa ay iyaguna beegsadaan xittaa lo’deena.
Hadalkani ayaa yimid maalmo uun kadib markii Mareykanka duqeyn ku dileen ninka sida weyn Mareykanka u tuhunsan yihiin inuu xiriir la lahaa Ururka Al-Qaacida Macallin Aadan Xaashi Ceyrow. Mukhtar ayaa markii hore sheegay inaysan farsaari doonin kuwa samafalka ka shaqeeya, waxaase haatan khatarteedal leh in dadka samafalaya la sheego in la dilayo, iyadoo ay haatan dalka ka jirto gaajo aad u ballaaran, taas oo aad mooddo inaysan sidii wax looga qaban lahaa uusan ka fekerin afhayeenku.

Nin waalan hadalkiisu qiima ma lahan..... waxaan dilayaa cid kasta Diin Islaam-na waan difaacayaa... waa waalida Khawaarij ta Cusub ee ku soo korortay dunida Islam ka sanadadii u danbeeyay.... ayagaana ah codowga 1 aad ee Muslimiinta.... waana in aan loo kala harin sidii mid mid talaabo sharciga waafaqsan looga qaadi lahaa si dhibka aay umada u keeneen looga baxo... thanks
Votes: +0
MA U ARKO IN SH. REBOW IYO SAXIIBADII WAALAN YIHIIN. WAXAY RABAAN KELI AH IN CADOWGU WADANKAAN UU DHIBAATADA U GEYSTAY ISKAGA BAXO IYO IN DIINTA ISLAAMKA WADANKA DADKA SOMALIYEED LAGU DHAQO. CABDULLAHI YUSUF IYO SAAXIIBADII MAXAY RABAAN? MA U TUDHAAN SHACABKOODA? MA KA HADLAAN DHIBAATADA AMXAARADU DADKOODA UGU GEYSATO XAMAR? MISE WAXAY IS GARABTAAGAAN CADOWGA SOO JIREENKA AH? MA RABAAN INAY WADANKAAN DHIBAATADA KA SAARAAN? MA HAYAAN AJANDE AAN DAGAAL AHAYN? CABDULLAHI UMA MUUQDO QOF FAHAMSAN WAXYAABAHA LOOGA FADHIYO OO AY DADKA SOMALIYEED OO AAN QABIIL LAHAYNI AY KA SUGAYAAN. CABDULLAHI XAL AAN DAGAAL AHAYN MA HAYO.
Votes: +0
waxa waalan waa odayga manaxe ah iyo gaalada madowga uu wato jabkuna waa ku dambayn insha alah iayagu
wasalaam
Votes: +0




Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...