Dagaal qaraar oo ka dhacay halka loo yaqaano Garasyaani oo u dhaxeysa Baladweyne iyo Buuloburde kaasi oo dhex maray Ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogagga muqaawamada ayaa waxa uu sababay dagaalkaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Waxaa ku dhaawacmay dagaalkaasi Taliyihii Ciidamada Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan Sheekh Amiin Barqadle Cosoble (Amiin Daacad) oo habeenkii xalay u geeriyooday dhaawicii soo gaaray allaha u naxariistee.
Mar ay goobjoog la xiriirtay afhayeenkii ciidamada Maxkamadaha C/raxiim Ciise waxa uu xaqiijiyay geerida ninkaasi isaga oo sheegay in uu kamid ahaa saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay isla markaana uu xalay shahiiday sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in askari kale uu lasocday.
Dhinaca kale dagaalladii shalay ka dhacay Garasyaani ayaa lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen in kabadan 10-qof halka dagaalkaas ay ku dhinteen ku dhawaad 7 ruux oo rayid ah.
Lama oga khasaaraha soo gaaray Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee weerarka lala beegsaday, sida uu sheegay goobjooge ku sugnaa halkaas waxaa uu indhihiisa saaray gaari gubanayay oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Votes: +0




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...