Kadib markii Magaalada Jowhar ay noqotay goob ay isaga cararaan maamulkii halkaasi ka arriminayay ee dowladda TFG-da ka amar qaadanayay ayaa odayaasha iyo waxgaradka degmadaasi waxa ay yeesheen wada tashi ku saabsan in ay go’aan ka gaaraan arrintaasi.
Waxgaradka Jowhar oo kulan la qaatay mas’uuliyiin katirsan Golaha Maxaakimta oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa iskula afgartay in ay sameystaan Ciidamo madani ah laakin Maxkamadaha ay si kore ula socon doonaan.
Ciidamo Madani ah ayaa markii u horreysay la isku raacay iyadoo ay yeelatay Magaalada Jowhar wixii maanta ka dambeeya ciidamadaasi oo sugi doona ammaanka magaaladaasi. Ciidamada ayaa saaka la arkayay iyagoo ka howl galaya Magaalada, isla markaana sugaya ammaanka magaalada kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka kudhaqan magaalada Jowhar.
Ciidamadan ayaa sitay dareys gaar ah, kuwaasi oo ka hawl galayay Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar iyo daafaha Magaalada sida uu goobjoog u sheegay mid ka mid ah ganacsatadii ka qeyb gashay shirkii ay la qaateen Maxkamadaha oo shalay Jowhar ka dhacay.
Isbadal weyn ayaa laga dareemayaa Jowhar iyadoo isbadalkaasina ay si aad ah u soo dhaweeyeen Bulshada taasi oo lafilayo in ammaanka Jowhar oo horey gacanta uga baxay uu dib ugu soo laabto.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...