War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda ee wadanka Itoobiya ayaa lagu beeniyay warbixintii labada jeer ay soo saartay hey’adda Amnest International oo ay kusheegtay in ay xasuuq ba’an ka geysatay Itoobiya gudaha wadanka Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa kusheegtay warka jawaaba ah ee ay soo saartay in Amnest ay isku dayayso in indhaha beesha caalamka ay kusoo jeediso Itoobiya taasi oo ka dhigeysa in ay la safan tahay kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda federaalka sida warbixinta lagu yiri.
“waxay qariyeen dhibaatooyinka ay geysteen dagaalyahannada hubeysan ee Soomaaliya ka dagaallamaya oo ay hormuudka ka yihiin xarakada Al-shabaab, waxay gawracaan dadka, waxay laayaan siyaasiyiinta, culumaa’udiinka iyo waxgaradka Soomaalida, wax warbixin ahna kama aysan soo qorin” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya kasoo saartay warbixintii eedeynta ee dhowaan Amnest ay soo saartay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku eedeysay hey’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha Amnest International in ay tahay hey’ad ka shaqeysa dano gaar ah una shaqeysa dad gaar ah isla markaana iska qaadata waxa ay u soo gudbiyaan dadka Soomaaliya u jooga oo la shaqeeya dagaalyahannada alshabaab.
Warbixintani ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo dheereyd ayaa sidoo kale lagu sheegay in Amnest ay kusoo beegtay xilli xasaasi ah oo ay dooneyso in la gacan qabto ururka Al-shabaab iyo in uu fashil ku yimaado shirka ka dhici doona Jabuuti ee lagu ballansan yahay 10-ka bishani.
Hey’adda Amnest ayaa warbixin ay soo saartay bishii lasoo dhaafay waxa ay kusheegtay in ciidamada Itoobiyaanka ay dileen maalin qura 21-qof kuna dhex dileen gudaha masjid lagu magacaabo Alhidaaya iyadoo 7-kamid ah dadkaasina ay Itoobiyaanka gawraceen inkastoo Itoobiyaanka ay arrintaasi beeniyeen.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...