Banaanbaxyo ballaaran oo ka dhacay Magaalada Muqdisho maalimihii lasoo dhaafay kaasi oo looga soo horjeedo diidista lacagta Kunka Shilin oo ah lacagta keliya ee u soo hartay Soomaaliya ayaa waxa ay sababeen banaanbaxyadaasi in dib loo qaato lacagta kunka shilin.
Qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa iminka laga bilaabay in laga qaato oo laga isticmaalo lacagta kunka shilin oo horey looga diidi jiray, waxaana lacagahaasi sidoo kale aysan weli ka socon qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada madiina ayaa weli waxaa laga dareemayaa culeys ku aadan sidii lacagtaasi loo isticmaali lahaa.
Dharkinley iyo wadajir ayaa maanta weli waxaanan si caadi ah u furneyn dhaq dhaqaaqii ganacsi ee degmooyinkaasi, waxaana dadka qaar weli ay feejignaan dheeri ah ka muujinayaan in dibadbaxyada dhibaatooyinka wata ay dib uga dhacaan qeybo kamid ah degmooyinkaasi.
Lama garanayo waxa ay ku dabeyn doonaan aayaha dadka Soomaaliyeed oo lacagtii u soo hartay keliya ee kunka shilin iminka laga diiday taasi oo amakaag ku noqotay shacabka Soomaaliyeed iyadoo aanay jirin weli cid si dhab ah wax uga qabata arrintaasi.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...