Banaanbax aad u weyn oo ay soo abaabuleen bulshada kudhaqan Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ah maalintii labaad waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Banaadir gaar ahaan, Suuqa Bakaaraha, Degmada Madiina, Taleex iyo Xamar weyne.
Dadkii isu soo baxay ayaa waxa ay siteen budad iyo ulal kale oo ay ku garaacayeen goobaha ganacsiga, waxaana maalintii labaad la xiray guud ahaan goobihii ganacsiga.
Dadka isu soo baxay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen dooni meyno dollar qaate, dooni meyno shilin diide iyo ereyo kale oo liddi ku ah ganacsatada gobolka banaadir.
Dibadbaxeyaasha ayaa waxa ay kudhaawaceen dibad baxooda qaar kamid ah gaancsato ay ku gaareen iyaga oo u furan xarumahooda ganacsi isla markaana dhagxaan kula dhacay.
Gaadiidka BL-ka ayaa maalintii 2.aad ka istaagay waddooyinka Muqdisho kadib markii lagu jejebiyay degmada Xamar weyne illaa 2-gaari oo kuwa xaajiyadaha loo yaqaano.
Cabashada dadkani ayaa waxa ay ku saleysan tahay kadib markii la diiday lacagta duugga ah ee kunka shilin iyadoo horeyna looga caban jiray keliya lacagta jeex jeexan.
Dhinaca maamulka TFG-da majirto cid ka hadashay arrintani oo wax ka qabaneyso marka laga reebo Maxamed dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gobolka kusheegay in ay wax ka qabanayaan isla markaana bulshada ay ugu baaqayaan in lacagta la isticmaalo sida horey looga bartay.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...