Ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa saakay waxa ay kasoo baxeen garoonka kubadda cagta ee
Muqdisho stadium kuwaasi oo isku fidiyay guud ahaa qubuuraha barakaat halkaasi oo shaki weyn ay ka qabaan.
Itoobiyaanka ayaa shakiga ay ka qabaan qubuuraha barakaat waxa ay tahay in halkaasi ay iska soo abaabulaan xoogaga kasoo horjeeda ee dagaalada culus maalmahani kula gala wadada warshadaha iyadoo mararka qaarna ay dhacdo in lagu soo dhawaado xaruntooda garoonka kubadda cagta.
Dad fara badan ayay dadka deegaankaasi sheegayaan in ay qab qabteen ciidamada Itoobiyaanka waxaana dadkaasi ay qabqabteen ay gaarayaan 50-qof kuwaasi oo ay ula dhaqaaqeen dhanka isbartiibada halkaasi oo aanan la ogeyn soomaalida ay geeyaan waxa ay ku sameeyaan.
Dhinaca kale rasas aad u xoogan ayaa saakay laga maqlayaa qeybo kamid ah wadada warshadaha gaar ahaan dhanka Suuqa Xoolaha halkaasi oo saakay ay gaareen ciidamo Itoobiyaan ah kadibna ay isku dhaceen Itoobiyaanka iyo xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda.
Lama soo sheegin dagaalkaasi oo aad u qaraar dhibaatada uu geystay inkastoo sida muuqata hubka la isku adeegsanayo uu yahay kuwa aadka u culus, wixii kusoo kordhana wararkeenna dambe ayaanu idinkugu soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...