Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda TFG-da Axmed Jaamac Jangali oo kamid ah wafdi uu C/llaahi Yuusuf hoggaaminayo oo kusugan wadanka France ayaa kula hadlay halkaasi saxaafadda isaga oo arrimo fara badanna ka sheekeeyay.
Jangali waxa uu sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin dilkii loo geystay Hoggaamiyaha dhaq dhaqaaqa Al-shabaab Aadan Xaashi Faarax (Ceyrow) oo uu ku tilmaamay in uu ahaa nin wax badan dhibaato ku hayay bulshada sida uu hadalka u yiri jangeli.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay arrintaasi farriin ay u tahay kooxaha dowladda kasoo horjeeda oo ay haboon tahay in ay ku quusqaataan isla markaana ay kasoo wada qeybgalaan shirka dib u heshiisiineed ee lagu wado in dhowaan uu Jabuuti ka furmo.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in dowladda France iyo TFG-da ay kawada hadleen sidii wax looga qaban lahaa burcad badeedka Soomaaliya oo halis weyn ku ah maraakiibta iyo doonyaha soo aadaya dalka Soomaaliya, wuxuna Jangeli sheegay in TFG-da ay u fasaxday dowladda France in ay ka adeegato badda isla markaana ay ka qab qabato burcad badeeda ay ku arakto xeebaha wadanka dhaca geeska Afrika ee Soomaaliya.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...