Banaanbax weyn oo rabshado wata ayaa saakay waxa uu ka bilowday qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho kaasi oo ay dhigayaan Shacabka kudhaqan Gobolka Banaadir.
Banaanbaxa oo aanu jirin cid soo abaabushay oo iskiisa u qabsoomay ayaa waxa uu ka dhacayaa qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Madiina oo uu ka dhacayo banaanbaxa ugu dhibaatada badan.
Dadka isu soo baxay ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyinka xoogan ee ganacsatadu ay ku hayaan shacabka kadib markii ay diideen in ay qaataan lacagta duugga ah ee guduudan ee kunka shilin soomaaliga halka markii horey loo diidi jiray lacagaha jeex jeexan.
Dibadbaxa kasocda Bakaaro ayaa ah mid qabooban inkastoo kan kasoconaya degmada Madiina uu yahay mid aad u xoogan oo sababay in la wada xiro guud ahaan goobihii ganacsi ee suuqa degmadaasi madiina.
Ganacsatada qaarkood ayaa saakay lala dhacay dhagxaan xilli ay goobahooda ganacsi albaabda u balaqeen, waxaana ganacsatadaasi qaarkood oo u waramayay GOOBJOOG ay sheegeen in ay ku xayiran yihiin goobahooda ganacsi isla markaana ay qaarkood daqranyihin kuna daqarmeen dhagxaantii ay soo tuurayeen dadka cabanaya ee iyagu laga diiday in xittaa laga qaato kunka shilin ee guduudan oo laga doonayo in kunka uu noqdo mid cad.
Lama garanayo sida xaaladda magaalada Muqdisho ay ku dambeyn doonto iyadoo sicir barar uu dalka kajiro ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay in la qaato oo keliya lacagta cuseybka ah ee kunka shilin isla markaana la diido lacagta casaanka ah ee isla kunka shilin taasi oo dhalisay in saakay qeybo kamid ah muqdisho ay ka dhacaan banaanbaxyo aad u xoogan oo rabshado wata.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...