
Ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa saakay waxa ay kasoo baxeen Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho kuwaasi oo isku fidiyay Xaafadaha Towfiiq iyo Gubta.
Ciidamadani ayaa qaarkood waxa ay wataan hubka noocyadiisa kala duwan iyaga oo sidoo kale wadada ku socda ama ku maraya si feejignaani ay kudheehan tahay.
Goobahaasi ay maanta isku fidiyeen ayaa waxa ay yihiin goobo shalay lagu weeraray, waxaana gaari MarkII ah oo ay wateen Ciidamada itoobiyaanka lala helay maalintii shalay Miino halkaasi oo ay 3-askari Itoobiyaan ah ku geeriyoodeen.
Lama soo sheegin weli cid ay kasoo qabqabteen xaafaddaasi inkastoo aanan la mooganeyn in ay halkaasi dad kusoo qabqabanayaan oo ay doonayaan sida ay ka yeelaan maadaama aanu jirin cid ka dhiidhin karta arrintaasi oo katirsan TFG-da.
Warar dambe oo ina soo gaaray ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo goobaha ay isku fidiyeen Ciidamada Itoobiyaanka inkastoo weli aanan la ogeyn rasaastaasi waxa ay tahay wixii kusoo kordha wararkeena dambe ayaanu idinkugu soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...