
Dagaal qaraar oo kasocday maalintii axadda illaa habeenkii xalay qeybo kamid ah wadada warshadaha halkaasi oo si aad ah la isugu fara saaray ayaa waxaa ka warbixiyay dagaalkaasi Mas’uul katirsan Golaha Maxaakimta.
Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha ahna madaxa hawlgelinta Ciidamada C/raxiim Ciise Caddow oo wareysi siiyay Shabakadda GOOBJOOG ayaa sheegay in hawlgaladdii ay ka fuliyeen qeybo kamid ah wadada warshadaha iyo xeyle bariise ay si aad ah ugu guuleysteen.
Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarka ay ku qaadeen Xerada Maslax isla markaana ay ku weerareen Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga Hoobiyeyaal kuwaasi oo dhammaan ay lawada heleen sida uu hadalka u dhigay.
12-askari oo katirsan TFG-da ayuu xaqiijiyay in ay weeraradaasi kudileen iyo sidoo kale askar kale oo Itoobiyaan ah, wuxuuna intaasi sii raaciyay in iyagu mar waliba ay yihiin kuwa bartilmaameed ka dhigta Ciidamda Cadowga oo uu sheegay in goob kasta oo ay kusugan yihiin ay weerar ku qaadayaan waqti waliba loogana baahan yahay bulshada in ay u sabraan dagaalka intii ay u sabri lahaayeen gawraca lagu sameynayo culumaa’udiinkooda iyo sidoo kale wiilashooda lagu gawracayo dugsiyada.
Xaaladda goobihii ay dagaaladu kasocdeen ayaa iminka ah goobo ka yara wanaagsan 2-dii maalmood ee lasoo dhaafay inkastoo weli goobtaa aanan la isku haleyn Karin.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...