GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Friday
Sep 05th
Home Wararka Siyaasadda Itoobiyaan Marayay Towfiiq oo la Qarxiyay.

Itoobiyaan Marayay Towfiiq oo la Qarxiyay.

E-mail Print PDF
Qarax aad u xooggan ayaa waxaa maanta lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Suuqa Towfiiq ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku nafwaayeen inta la ogyahay 3 ka mid ah Ciidamada Itoobiyanka waxaana sidoo kale soo gaaray dhaawac kale oo aad u culus Ciidamada Itoobiyanka.

Ciidamadani ayaa lagu soo warramayaa in ay kusii jeedaan Warshaddii hore ee Baastada waxaana goobjoogeyal ay kusoo waramayaan in ay wateen gaari Booyad oo biyo ay ugu jiraan iyo gaari MarkII ah Waxaana qaraxaasi miinada ah lala haleelay Gaarigii MarkII ahaa kaasi oo ka dhashay Dhimashada iyo dhaawaca soo garay Ciidamada Itoobiyaankaasi.
Qaraxaasi ka dib ayaa waxaa goobtaasi laga maqlay Rasaas xooggan oo ay isweeydaarsadeen ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogagga ka soo hor jeeda oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn halkii Qaraxa uu ka dhacay inkastoo illaa iyo iminka aanan weli la ogaan khasaaraha ka dhashay israsaaseyntaasi oo dhinaca dadka rayidka ah.

Uma ahan Ciidamada Itoobiyaanka Markii ugu horeeysay ee weeraro kala duwan looga qaado dhanka Booyadaha ay isticmaalayaan Itoobiyaanka ee Biyaha ay ku shubtaan iyadoo Xoogagga kasoo horjeeda Itoobiyaanka ee dagaalka kula jira ay caado ka dhigteen mar waliba in ay la beegsadaan booyadaha Biyaha u daraya Ciidamada itoobiyaanka oo ay xilliyadii dambe si toos ah u gubayeen.
Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah