Guddoomiyaha Ururka Midawga Africa ee xiligaan Jakaya kikwete iyo Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni oo kulan yeeshay ayaa waxa ay kawada hadleen xaalado fara badan oo tan Soomaaliya ay kujirto.
Kulankooda kadib ayaa waxa ay ku baaqeen in ciidamo dheeraad ah loosoo diro dalka Soomaaliya si ay u sii xoojiyaan nabad ilaalinta ay qeybo kamid ah Ciidamada midowga afrika kawadaan Gudaha wadanka Soomaaliya, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Madaxweynaha dalka Ugandha oo dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo fara badan ayaa waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay wadamadii horay u ballan qaaday in Ciidamo ay u soo diraan dalka Soomaaliya in ay fuliyaan ballanqaadkoodii hore si Soomaaliya looga dhigo goob nabadeed.
Ciidamada loo yaqaano AMISOM ayaa dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxa ay yimaadeen dabayaaqada bishii March, 2007 isla markaana isku hakiyay keliya goobo tirsan magaalada sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha inkastoo loogu talagalay in qeybo fara badan oo ka mid ah Soomaaliya ay ammaanka ka sugaan.
Majirto wax la hubo oo muuqda oo ay qabteen ciidamada AMISOM marka laga reebo iyaga oo ilaalo ka ah goobaha ay degan yihiin dowladda oo xittaa goobahaasi aysan xor u aheyn in keligooda ay joogaan oo ay kula sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah, sida madaxtooyada oo xilligii la doono laga duqeeyo magaalada Muqdisho.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...