Iyadoo QM ay waday dadaallo ay ku dooneyso in ay ku wada hadashiiso Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Dalka Soomaaliya ayaa waxaa shaki galay shirkii qaban qaabada aheyd ee ka dhici lahaa wadanka Jabuuti.
Isbaheysiga Dib u Xoreynta Dalka Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay isaga baxayaan oo ay qaadici doonaan shirka wada hadalka iyaga iyo wakiilka QM kala dabqaadkii uu iaga iyo TFG-da uu kala dabqaadi lahaa ay dib uga fiirsanayaan.
Sababta ay u qaadacayaan ayay kusheegeen kadib markii Weerar dhinaca Cirka ah lagu qaaday Magaalada Dhuusomareeb oo uu Maraykanku gaystay taas oo muujinaysa in weli Maraykanka uusan arrnta Soomaaliya kaga jirin dhankii xalka soo dhawayn lahaa.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dibad joog ah ayaa ku sheegay in duqeyntaasi ay caqabad ku tahay wadahadalkii la rajaynayey in wax xal ah aakhirka lagu gaaro..
Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isaguna xubin ka ah Isbaheysiga Asmara oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Reuters kana hadlayay dilkii loo geystay Aadan Xaashir Ceyrow ayaa sheegay in qadiyaddani aysan aheyn keliya mid shaqsiyadeed laakin ay tahay mid wadaniyadeed oo loo diidayo Soomaalida in ay is xoreeyaan, wuxuuna sidoo kale sheegay haday joogteeyaan dilka iyo weerarrada ay u geysanayaan shacabka in shacabka Soomaaliyeed aanu u habooneyn in ay gacmaha ka laabtaan waxa dhacaya oo ay sii wadaan ladagaallanka ay kula jiraan Ciidamada uu kusheegay in ay gumeysiga ku hayaan Dalka Soomaaliya oo uu ula jeedo Itoobiyaanka.
“Geeridu Xilligani waa sharaf, wuxuu soo qaatay Ceyrow door Muhim ah, wuxuuna iminka geeriyooday isaga oo sharaf leh” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo isagu kunool Wadanka Eritrea.
Sidoo kale waxa uu sheekh Xasan Sheegay in dilka Aadan Xaashi uu shaki weyn geliyay Qabsoomidda Shirka lagu wado in 10-ka Bishani uu ka dhoco Wadanka Jabuuti taasi oo QM ay qaban qaabineyso isaga oo ku eedeeyay in Ciidamada Itoobiyaanka ay isku dayayaan mar waliba sidii ay shirkaasi u fashili lahaayeen iminkana ay u suuragashay fikirkooda qeyb kamid ah iyaga oo Mareykanka la kaashanaya.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...