Maleeshiyada DFKMG ah ee kusugan degmada Dharkinley ayaa habeenkii xalay xilli ay dhex marayeen wadada xaafadda Macmacaanka waxaa lagu weeraray Bam gacmeedyo. Maleeshiyadaasi ayaa waxaa weerarka lagu qaaday loo adeegsaday bambooyin, waxaana bambooyinkii lagu tuuray ku dhaawacmay 3- kamid ah Maleeshiyadaasi dowladda.
Qaraxa kadib ayaa waxa ay fureen Maleeshiyadaasi rasaas aad u xooggan oo ay ku fureen dadka rayidka ah iyaga oo aanan ogeyn halka laga soo weeraray iyo cidda soo weerartay.
Waxaa xirmay isla waqtigaa goobihii ganacsiga ee degmada Dharkinley inkastoo saakay xaaladdu ay tahay mid degan oo isu socodka gaadiidka iyo daweynaha uu caadi yahay.
Maleeshiyada TGFG-da ayaanan u aheyn markoodii ugu horreysay oo lagu weeraro bartamaha magaalada iyadoo iminkana ay noqotay weerarkaasi lagu qaadayo mid caado ah inkastoo weli aysan wax jawaab war ah ka bixin Saraakiisha Ciidamada TFG-da oo ay kaga hadlayaan weerarrada ceynkani oo kale ah, waxaana askarigii ku waxyeellooba ugu war dambeysa in laga war hayo marka loo qaado Isbitaalk Madiina oo si lacag la’aan ah dadka loogu daweeyo.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...