GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Monday
Dec 01st
Home Wararka Siyaasadda Sawir qaadihii Aljazeera oo Guantnamo laga sii daayay.

Sawir qaadihii Aljazeera oo Guantnamo laga sii daayay.

E-mail Print PDF

Sawir qaadihii ka xirnaa TV-ga Aljazeera ee ku jiray Xabsiga Guantanamo ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga sii daayay xabsigaasi isaga oo gaaray wadanka uu u dhashay ee Sudan. Kadib markii wadankiisa la geeyay ayaa Saami Muxyaddii Alxaaji waxaa si deg deg ah loogula cararay dhanka Isbitaalka AMAL oo Khartuum kuyaalla si halkaasi baaritaanno caafimaad oo deg deg ah loogu sameeyo.

Wareysigii ugu horreeyay oo uu siiyo TV-ga uu ka tirsanaa ee AlJAZEERA ayaa waxa uu kusheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay Xuriyaddadiisa oo dib ugu soo laabatay iyo sidoo kale kusoo laabashada uu dib ugu soo laabtay wadankiisa iyo ehelkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in intii uu kujiray xabsiga uu kala soo kulmay waxyaabo aad u fool xun oo ay ka mid tahay iyadoo maxaabiista loo diidayo in ay salaadda tukadaan, iyadoo lagu dhibayo diintooda Islaamka, kitaabka Qur’aanka lagu cayaarayo iyo dhibaatooyin kale, wuxuuna intaasi kusii daray in maxaabiista qaar ay xabsiga ku jiraan iyaga oo aanu wax dhar ah ku labisneyn.

Maamulaha Guud ee shabakadda Aljazeera Waddaax Qanfar ayaa isna dhankiisa ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sii deyntii saaxiibkood laakiin waxa uu sheegay in loo diiday markii diyaaradda laga soo dejinayay in  cid ka socota Aljazeera ay halkaasi timaado iska daa in wax sawir ah ay ka qaadaan sababo dhinaca Ammaanka lagu sheegay marka laga reebo xildhibaanno katirsan Dowladda Sudan oo ku qaabilay garoonka Diyaaradaha.

Dowladda Sudan ayaa si aad ah ugu mahadcelisay Dowladda QATAR iyo TV-ga Aljazeera oo ay sheegtay in muwaadinkeeda aysan marnaba ka aamusin sidii loosii deyn lahaa oo ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen in ay soo daayaan oo maantana uu xuriyaddiisa dib u helay sawir-qaade Saami Muxyadiin Alxaaj oo xabsiga Guantanamo kujiray Muddo 6-sanadood ah Maxkamad la’aan ah.

TV-ga Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa horey loogu gestay tacadiyo waxaana laga duqeeyay xafiiskii ay ku lahaayeen KABUL, Baqdaad iyadoo halkaasina looga dilay Wariye Taariq Ayuub halka weli Wariye Taysiir Calluuni si xaq darro ah ay u heystaan Ciidamada Spain oo ay si sharci darro ah ku maxkamadeeyeen, waxaana intaasi u sii dheereyd qorshe fashilmay oo la doonayay in Aljazeera Xarunteeda dhexe ee Doxa loo geysto Duqeyn xooggan oo aysan kasoo kabsan.

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques IntroductionIslamic finance and Banking is no longer just a theory or a dream. In fact it is now a r...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah