GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Monday
Dec 01st
Home Wararka Siyaasadda Muqdisho iyo Fikradaha kala jabka Isbaheysiga.

Muqdisho iyo Fikradaha kala jabka Isbaheysiga.

E-mail Print PDF

Dadka kudhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si aad ah ula yaabeen warkii kasoo yeeray magaalada Asmara iyo garabka kusugan ee Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka.

Waxa ay aaminsan yihiin dadka qaar in garabka kusugan Jabuuti ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif in ay doonayaan sidii xal looga gaari lahaa dilka iyo dagaalada ka dhacaya Gudaha dalka sidaasina ay kudhacday in jabuuti ay kula hadlaan Dowladda TFG-da.

Sidoo kale Shacabka Muqdisho waxa ay rumeysan yihiin in Garabka iyaguna kusugan Asmara ay yihiin kuwa aanan weli la garan waxa ay doonayaan oo xittaa ay suuragal tahay in uu cadaadis uga imaanayo dhanka dowladda ay martida u yihiin taasina ay sababtay in ay ku mawqif noqon waayeen garabka Jabuuti kusugan.

Inkastoo sidaasi loo kala fikir duwan yahay ayaa hadana waxaa inta badan shacabka Muqdisho ku dhaqan ay u muuqdaan kuwa taageersan Garabka Jabuuti oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa laga filan karo xalka Soomaaliya lakin ay nasiib darro tahay kala jabka.

Waxa ay ugu baaqeen Isbaheysiga labada garab u kala jabay in ay isku noqdaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay mar kale isaga dhaadhicin lahaayeen dhameynta khilaafaadkooda sidaasina ay mar kale ku heshiiyaan siina wadaan halganka magacooda uu xambaarsan yahay.

Trackback(0)
Comments (4)add comment
Abukar Abanur: DOORKA ODAYAASHA DHAQANKA BEELAHA SOOMAALIYEED
ASCWW,

Salaan ka dib, waxaa la gaaray waqtigii Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed kaalintooda ka qaadan lahaayeen Qilaafka soo kala dhex galay labada garab ee Isbahaysiga Djibouti iyo Asmara, taasoo hadda arrinta soo caddaatay, sidaa darteed, maadaama Xubnaha ku bahoobay Isbaheysiga ee Asmara lagu dhisay ay yihiin dad Soomaaliyeed oo ayaga isku tagay dhistayna Ururkaasi la magac baxay Isbahaysiga Dib u xureynta Dalka, haddana soo shaac baxday Fikrad kala duwanaasho, una kala jabay Laba garab, ay waajib tahay in si toos ah oo deg deg ah u soo galaan Culamaa'udiinka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed si ay go'aan kama dambeys ah ugu gaaraan, taasoo aan filayo in Diinteena Islaamka na faraeyso.
Haddaba, waxaan filayaa in aad arrintaa ayada ah sidaa iila garan doontaan, wixii Faahfaahin intaa dheer aad iga heli kartaan sidii loosoo afjari lahaa Ismariwaaga soo wajahay walaalaha ayaga ah, waxaadna igala soo xiriiri kartaan E-mailka: This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it , ama Tel. 0031-622771536.

Wabillaahi Towfiiq

Waa Walaalkiin

Abukar Abanur Mohamed
1

report abuse
vote down
vote up
July 23, 2008
Votes: +0
buulaay: mr
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM............

marka ugu horesa waxaan halkaan UMADA SOMALIYEED ku xusuusinaayaa sidaan soo socoto
, anigoo ah shaqsi muslim ah somalina ah,IN UMMADA SOMALIYEED AY OGAATO WAXYAABA
SABABAAYO DAGAALKA AY KUBAABA,EEN DADKA MASAAKIINTA AH..OO AAN DHAMAANEYN , IS LA MARKAANA QOLOOYINKII ISKU BAHEYSTAY IN AY YAHIIN DAD XAQ.
UDIRIR..
OO UMMADA SOMALIYEED U SHEEGAY IN AY DANAHOODA KATALINAAYAAN,SIDII
LOO DHAMEYNLAHAA ,DAGAALADAAN MARBA WAJI CUSUB LA IMAANAAYO,..
1-QABIIL AMA QOLO...OO AY NO SHEEGEEN IN UU DHAMAADAY
2-ISLAAM..................OO AY NOO SHEGEEN IN AY KUMIDEYSNAAYEEN, WADHAMATAY
3-SHAQSIYAAD.....SHAQSIYAAD OO AY HADDA MAREEYSO SHEEKADA
4-WAXA KUXIGA OO AH IN AY AYAGU ISDILAAN INTA WADDANKA AY HAAYSTAAN
NIMANKA CADAAWADA SO JIREENKA AH NOOQABO (AMXAARO) SIDAASNA LAGULA WAREEGO
MAGACII SOMALIA LOONA BADALO , GOBALKA BARI - EE EITHPIA , HADII AD MOODAYSO IN AAN ISKA HADLAAYO, WAXYAR SUG WALAAL, TAAS WAA QORSHO WAQTI DHEER LAGA
SOO SHA QEEYAY, LAKIIN DADKA QALUUBTOODA GUBATAY MA,OGA

HADII AD LAYAABANTAHAY, SABABTAAN- WAXAAN KU XUSUUSINAAYAA
WAXA ILAAHEY QURAANKIISA KU YIRI IYO XADIITH-KA NABIGEENA SUUBAN
MOXAMMED S.A.W NOO SHEEGAY ,WAA HADII AD AMINSANTAHAY,,,,WUXUU
NOO SHEEGAY, MARKA HORE AQRI ((( ALAMTARA KAYFA ,FACA RABUKA) OO KU JIRTO
QURAANKA. KARIIMKA. MARKA XIGTO, ILAAYHEY WAXAAS NOO SHEEGAY IN UU MAD UU SAN UMMADA .....
BAABI,IN ILAA AY FUSUQ AMA MACASI DHAXGALAAN, MARKA UMMADA SOMALIYEED YAYNA WAQTIGA ISKA LUMIN, INTA NOOL EE KITAABKA IYO SUNNADA GABIGA HALAGU NOQDO , HANA
LAGA TOWBA KEENO DANBIGAAN WAAYNINKA BADAN OO XITAA INDHA UQABTAY KU WII CULIMA ISKU SHEGAAYAY DAANAN SIDAS LASAMEYN... 100% AYAAN KU SIINAYA
WADANKAAS WAA TAGAY WAXII HARANA WAXAY KAMID NOQO DOONAAN KUWA AAN
KAADIDA ISKA DHAQIN ..WAXAAN UMALEYNAYAA IN AAD FAHAMTAY
MEESHA UMMADA LOOWADO.. MARKA ISKA HADII AD ILAAHEY KABAQEEYSO OO AD
MUSLIM TAHAY HATAAGEERIN QOF AAN DEENTA KU DHAQEEYN UMMADA SOMALIYEED
WAYO, QABIIL WAA LAGU DAALAY, SHAQSI WAA LAGU DAALAY,MAGAC WAA LAGU DAALAY,MAXAA HARAY?
IN LAGU NOQDO WAXA ILAHEY NAFARAY,((WAMAAKHALAQTA JIN WAL INSI ILAALA YACBUDULAH) UNA SHEEG SAAXIBADAA IYO KU WA KULADHASHAYIS KANA ILOW WAA INA ADEERKEY WAAYO QABRIGAADA WA KUUGU KALIGAA OGOW TAS MARWALBA..HADII ADAN FAHMIN WALI ILAAHEY HAKU SOO
HANUUNIYO UMMADA SOMALIYEED IN SHA ALLAH..... INTAAS IYO NABADGALYO
2

report abuse
vote down
vote up
July 23, 2008
Votes: +0
said : Fikradaha kala jabka Isbaheysiga
aniga waxaan aamin sanahay in aysan wax xal ah inoo hayn labaduba waa xukun raadis
waa dad raba in ay wax ku noqdaan dhiiga dadka muslim ka ah ee daadanaya oo ay itoobiyaanku cunayaan iyo kuwa la mid ka ah ee isku magacaabay alshabaab waa tuugo u shaqeeya itoobiyaanka waayo dadka walaalahood ah ma laayeen mana dileen hadii aysan u shaqeyn cadawga
Allaha naga qabto kuwaas iyo kuwa ay u shaqeeyaan
waa damiir laa wayaal jaahilnimo ka buuxdo ooo raba in ay xukun helaan
waxaase layaab lah yaa la xukumayaa dadkiiba dhamaaye?????????
3

report abuse
vote down
vote up
July 23, 2008
Votes: -1
Eng:Aweis Noor: Computer Tech. Operator
Assalamucaleykum

waxaan rabaa in aan halkaan fikrad ka dhibto ku saabsan khilaafka soo kala dhexgalay golaha maxkamadaha.
somalia waqtigaan xaadirka ha uma bahno khilaaf maxaa yeelay xaaladaha lagu jiro ay tahay mid aad u qalafsan. maka waxaa loo bahan yahay in tanasul leysku sameyo maxaa yeelay hadaan umaddaan loo naxriisan ilaahey caradiisa way sii kordhaysa. marka wallalayaal saan dan nooma aha .
4

report abuse
vote down
vote up
July 23, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques IntroductionIslamic finance and Banking is no longer just a theory or a dream. In fact it is now a r...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah