Qeybtii u horeysay ee Maleeshiyada Cusub ee TFG-da lagu soo tababaray Dalka Itoobiya shalayna gaaray Degmada Afgooye ayaa saakay u soo dhaqaaqay dhanka Magaalada Muqdisho.
Maleeshiyadani oo weli aanan tiradooda dhabta ah la heynin ayaa lagu soo waramayaa in Muqdisho illaa Afgooye ay socdaal kusoo aadayaan kadib markii ay ka baqeen in waddooyinka Miino loo dhigay.
Maleeshiyaadkaasi ayaa markii ay soo dhaqaaqeen waxaa gebi ahaanba istaagay gawaaridii isaga kala gooshi jirtay Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo maleeshiyaadku yihiin kuwo aad u feejigan, isla markaana diyaar garow dagaal xilli kasta ku jira sida ka muuqata.
Dadkii ku sugnaa Deegaanka Ceelasha Biyaha oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa iyana saaka bilaabay in ay ka qaxaan guryahooda iyo goobahooda ganacsi, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu halkaasi ka qarxo gaar ahaan inta wadada ay kusoo jireen Maleeshiyadaasi dowladda.
Arrintani ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli maleeshiyadii horay Itoobiya loogu soo tababaray iyo kuwa Itoobiyaanka ee jooga Muqdisho ay maara u la' yihiin xakameynta Caasimada iyo weerarada ay ku soo qaadaan Xoogaga ka soo horjeeda, lamana garanayo kuwani waxa ay soo kordhin doonaan.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...