Waxaa sidii maalmahan la filayeyba xubnahii ka tirsanaa Golayaasha Isbahaysiga ee ku sugnaa Asmara ay ku dhawaaqeen madax cusub oo ay sheegeen inay u doorteen hogaanka Isbahaysig ka dib markii madaxdii hore sida ay u dhigeen ay isaga tagtay oo nacday Isbahaysiga.
Xubnaha ku shiray Asmara ayaa ku dhawaaqay inay Sh Xasan Daahir Aways u doorteen gudoomiye golaha fulinta, iyadoo dhanka kalena aan si rasmi ah loo shaacin ninka ay ku wadaan inuu golaha dhexe madax uga noqdo inkastoo lagu wado in Shariif Saalax ay ku dhawaaqaan.
Sheekh Shariif ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay tallaabada la qaaday mar haddii aysan haysan kooramkii ay ku suurta geli lahayd in xilka looga qaado isagoo tilmaamay in tallaabadani ku lug leedahay xukumadda ay raggaasi martida u yihiin, shacabka Soomaaliyeedna uu taageersan yahay wadada wadahadalka ee ay dorteen, inta badan xubnaha golaha dhexe oo Jabuuti ku shirsan ay cod gaaraya kooram ku ansixyeen heshiiska.
Ragga Asmara ku shiray ayaa sheegay inaysanaba kooram iyo cod aqlabiyad ahba xil ka qaadista ku samayn ee ay qalad dastuurka laga galay cuskadeen!! Dastuur ku tumadashada qudheeda ayaa u baahan in kooram caddeeyo loo helo oo waliba 3 qaybood laba qaybood ah marka ay timaaddo in xil ka qaadis lagu smaaynayo labada gudoomiye, haddiise toboneeyo kastaahiba tiraahdo hebel dastuurkuu jabiyey xilkiiina waa ka qaadnay ayuu tilmaamay xubin ka tirsan Isbahaysiga inay tahay dastuur jabinta ugu wayn ee xubno golaha dhexe ka tirsan ku kici lahaayeen.
Waxaa sidoo kale xubnaha Jabuuti ku sugan ku tilmaameen inaysanba xaq u lahayn inay golaha dhexe isugu yeerto cid aan labada gudoomiye ahayn, haddii aan la helin kooram iyaga ka baxsan oo codsan kara qabashada kulanka, ayna khalad tahay in iyadoo labada gudoomiye ay kulan ku baaqeen xubnaha inta badanna ay kulankaasi Jabuuti u fadhiyaan, la sheegto in cid aan xaq u lahayn iyo tiro aan kooram dhamayn tallaabo caynkan oo kala ah qaadaan.
Dhacdadan ayaa ka dhigan inshiqaaq iyo fawdo ay horseedayaan culimo ay shacabka Soomaaliyeed ku han waynaayeen iyadoo qaar badanna ay ku tilmaamayaan in wadaada qaar dhaqanki iyo wadadii qabqablayaasha cagta saarayaan oo durba awood jacayl iyo danaysigii lagu yaqaanay qabqablayaasha billaabeen.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...