Maleeshiyo aad u fara badan oo katirsan TFG-da ayaa maalmahani si caadi ah waxa ay uga hawlgalaan gudaha degmada X/weyne iyaga oo iska dhiga kuwa ammaanka sugaya.
Inkastoo ay sidaasi iska dhigayaan ayaa waxaa ay maalin waliba dhac bareer ah ay u geystaan goobaha ganacsiga ee Degmada X/weyne iyagoo sidoo kale isbaarona u dhigta cid waliba oo degmada soo gasha.
Xilli xaaladeeda Ammaan ay sidaasi u xun tahay ayaa waxaa barqanimadii shalay lagu dhaawacay Cumar Nuur (Baasharax) oo ahaa Guddoomiye waaxeed kamid ah Maamulka TFG-da inkastoo horey uu fanaan u ahaa, waxaana dhaawiciisa kadib gelinkii dambe ee shalay dad kor u dhaafaya boqol waxaa laga qab qabtay degmada X/weyne kuwaasi oo loowada taxaabay Saldhiga, waxaana lasheegay in la baarayo dadkaasi haddii ay ku lug leeyihiin dilkii Baasharax.
Xalay ayaa waxa ay noqotay degmada X/weyne goob aanu labo qof isku fiirineynin, waxaana xirmay guud ahaan goobihii ganacsiga ee Degmada X/weyne iyo maqaayadihii kuyiilay kadib markii dadkii goobahaasi fadhiyay xittaa lawada xiray.
Mar aanu la xiriirnay Maamulka degmada iyo kan saldhiga ayay ku gaabsadeen keliya in hawlo lagu sugayo ammaanka ay kuguda jiraan dadkana lasii deyn doono marka dambi lagu waayo inkastoo dadkii ay xirteen ay boqol kor u sii dhaafayeen.
Saakay ayaa sidoo kale ayaa hawlgallo waxa ay ka bilaabeen degmada X/weyne qeybo kamid ah inkastoo ay wadaan hawlgalladani ayaysan hadana weli wax cad ku qaban oo ah ujeedka ay hawlgallada u sameynayaan.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...