GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Friday
Sep 05th
Home Wararka Siyaasadda Asmara oo Qardajeex Lagaga Dhawaaqayo

Asmara oo Qardajeex Lagaga Dhawaaqayo

E-mail Print PDF

Maglaalada Asmara oo ay ku harsanaayeen xubno ka tirsan Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa ku dhawaaqay in xilka ka qaadi doonaan labadii gudoomiye ee ururka Isbahaysiga iyadoo ku dooday inay dastuurkii ururka jabiyeen taasoo fajiciso ku noqotay wax garad badan halka kuwa kalena ku doodeen inay tahay habdhaqankii Jabahada laga dhaxlay iyo hawl ay wax ka karinayso dawladda ay xubnahaasi martida u yihiin.

Shirka Jabuuti ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin 109 xubnod oo ah tirada kooramka labaad hadiii tan hore oo laba meelood ah la waayo, taasoo ka dhigaysa in inta Asmara joogtaahi ay ka yar tahay markii 100 qofood halka wararka qaarna sheegayaan inay sodomeeyo yihiin.

Hadaba si xilka looga qaado labada Shariif, qiyaanana loogu soo eedeeyo waxaa loo baahan yahay sida dastuurka Isbahaysiga ku qoran inay  taa ansixyaan 3meelood laba meel oo ka dhigan boqol iyo labatan iyo dhawr xubnood, taasoo sida cad aan Asmara joogin.

Hadaba sida muqata waxaa la samayn doonaa qardajeex iyo dastuurka la garab marayo iyadoo lagu doodayo in xaqa la haysto lana bedelo wixii lagu heshiiyey iyado welibin ala hayo xubno aan joogin oo wakiil laga yahay codayntooda!

Dhaqankan ayaa ka tarjumauya sida aan inta badan Soomalidu sharci ugu hogaasamin ama u ixtiraamin  isla markaana raggii ku dooday in dasturkii la jabiyey ay iyagii garab marayaan. Wax la fishaa waa in  xubno aan kooram dhamayn inay la jiifiyaana bannaan lasoo baxaan oo  madax cusubna ku dhawaaqaan taasoo ah midda kaliya ee ay culayska saaraan uga jawaabi karaan, dalka ay martida u yihiinna weli kaarka Soomalaida dhinac kaga haysan karo.

 Sida ka muuqatay waraysida ay bogagga qaar kasoo qaadeen xunbanaha ku sugan Asmara waxayba ku faraxsanaayeen oo alle kaga xamdiyeen in heshiiskii Yemen shaqayn waayay, illayn ma sahlana in heshiska Isbahasiga intiisa badan qaatay la aqbalo isla markaana Asmata lasii jooga'e

 

Horey ayaa faallo boggan loogu qoray lagu xusay inay culus taay in heshiis Yemen lagu gaaro ama uu hir galo wixii kasoo baxa, balse waxa ugu haboon ay tahay in madaxda ururku gudaha ku laabtaan si ay uga xoroobaan saamaynta kaga imaanaysa dawaladaha ay la joogaan ee siyaasadda Soomaaliya danahooda u adeegsanaya.

Waxaan muqatay inay adag tahay in ragga Asmara ku sugan sii joogaan halkaasi iyadoo ogolaanaya ama u cag dhigaya heshiiska Jabuuti lagu gaaray xattaa inta ka yar boqolka maalin ee ka hartay mar haddii aysan taas aqbali karin dowladda ay martida u yihiin 

Trackback(0)
Comments (3)add comment
XAAJI WARLAAWE JAMAC: ...
dastuurka aad sheegeysid xaguu ka yimid ?

adeer dadkaas waa Jabhad , waana jabhadeynayaan.
1

report abuse
vote down
vote up
July 21, 2008
Votes: +0
Abdi Mohamed: Far Far ku Taag
Waa sax waa sida Somalida aan u bisleyn qaadashada ama ku qancidda go'aanada aqlabiyaddu gaaraan. Markaan oo kale waxa ay ku fiican tahay in la tanaasulo ama la raaco dhanka loo batay, waxaanse shaki ku jirin iyagana qolada shirka reer Jabuti hogaamineysay (Laba sharaiif) iney galeen qalad taariikhi ah oo qalqal geliyay howshii looga xoreynayay gumeysiga dalka. Waxa ay aheyd in marka hore dhexdiina aad heshisaan inta aadan gelina heshiis kale, waxa ay aheyd in aad miisaantaan cawaaqibka uu leeyahay inaad kala jabtaan, waxa ay aheyd inaad taxliilisaan agendaha ay idinla yimaadeen qolooyinkii ka dambeeyay dowlad la'aanta Somalia oo ugu weyn yahay Mareykanku.
Calaa kulli xaal laba Shariif iyo garabka ay hogaamiyaan wey ku guuldareysteen iney ku qanciyaan saaxiibadoodii reer Casmara iyo guud ahaan Somalida inteeda badan heshiiska ay noo soo qaadeen waxa nuxurkiisu yahay. heshiiskaas oo qof walba oo aqriyaa u arko heshiis uu saxiixay qof aan xor aheyn ama aan caadi aheyn. Jawaabta laba Shariif bixiyeen waxa ay dhaafi la'dahay balanqaad ayaan heysanaa noogala saarayo Itobiya oo aan ka heysanaa Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska kuwaan oo aan ognahay iney jihiin kuwa hogaaminaya waxa ay ku magacaabeen LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA oo loola jeedo dadka muslimiinta ah, Somaliyana ay tahay meesha saddexaad marka laga soo tago Ciraaq iyo Afganistaan.
Somaliya waxaa u heyn waayay qabqablayaashii dagaalka, haddana waxaa u heyn la' Itobiya. Waxa ay doonayaa inay na geliyaan jahawareer kale oo la isu adegsado Somalida dhexdeeda, waxaanse rajeynayaa inaysan noqon far far ku taag oo Somalida dhibaateysan aan looga derin ee aad xal keentaan.
2

report abuse
vote down
vote up
July 21, 2008
Votes: +0
Xaq-udirir: Jabuuti Ma xalaalbaa lagu hayaa??!!.
Waxaa Layaab igu noqotay ragii wixii la isku ogaa dhinac maray ee 2 shariif iyo intii raacday ahaa in ay xalaal hayaan, ragii xaruntii ururka joogay ee la garab maray ee qolka mugdigaa wax lagu soo qaybiyay markii ay yiraahdeen war waxaad noo soo qadeen na tusiya in la yiraah qarda jeex beey hayaan.

Rere Goobjoog taa waa ka soo dhaweyd, mar la baciidsan mayo in ay idinka soo yeerto Jihaadka iyo dagaalka gaalada lagula jiro waa baadil inleyn Cabdi raxmaan C/ Shakuur iyo islaax baa ka soo hor jeedee. war allihiin ka yaaba ee hoowsha cagta u dhiga.
3

report abuse
vote down
vote up
July 22, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah