Wargayska caanka ah ee kasoo baxa dalka Maraykanka The New York Times ayaa isaga oo soo xiganaya qaar kamid ah shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ka hawlgala wuxuu sheegay in
koox ka tirsan TFGda ay ugaarsadaan shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ka hawlgala. Kooxdan ayuu wargaysku ujeedkooda ku sheegay in sumcadda ka dilaan xoogaga iskacaabinta ee dagaalka kula jira ciidanka cadawga Itoobiya iyo kooxa Soomaalida ee iyaga la shaqaysta. Mid kamid ah kooxda ku dhowdhow C/laahi Yuusuf oo magaciisa la yiraahdo Cabdi Cawaale ayaa wargayska u sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ee halganka kula jira cadawga Itoobiya ay yihiin kuwo reer Galbeedka neceb sidaas darteedna ay shaqaalaha gargaarka u xasuuqayaan.
Kooxda C/laahi Yuusuf ayaa waxaa soo foodsaaray cadaadis xoog leh kadib markii xoogaga iskacaabinta ay si wayn aduunka u tuseen in ay xaq u dirir yihiin diyaarna u yihiin in ay aduunka la hadlaan, taasoo ay dawlado badan oo reer galbeed ah soo dhoweeyeen, wixii C/laahi iyo kooxdiisa ay sheegi jireena ay meesha ka baxeen. Tani waxay keentay in kooxda C/laahi Yuusuf ay keenaan weji kale oo aduunka iyo muqaawamadda la isaga horkeenayo, iyagoo sameeyey kooxo laaya shaqaalaha hay'adaha samafalka iyo dadka magaca ku leh bulshadda Soomaaliyeed.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...