GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Monday
Dec 01st
Home Wararka Siyaasadda Khasaarihii ka dhashay Madaafiicdii ay Itoobiyaanka ku garaaceen Xaafadaha rayidka.

Khasaarihii ka dhashay Madaafiicdii ay Itoobiyaanka ku garaaceen Xaafadaha rayidka.

E-mail Print PDF

Waxaa isa soo taraya qasaaraha uu geystay Dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qeybo kamid ah wadada Warshadaha gaar ahaan Degmada Yaaqshiid.

Dagaalka oo aad u kululaa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah oo ay ku jiraan arday dugsi quraan ah oo xilli ay dugsiga ka soo baxaan uu Madfac ku habsaday kaasi oo kamid ahaa Madaafiic ay xilligaasi Itoobiyaanka ku garaacayeen qeybo kamid ah Muqdisho.

Inta la ogyahay 3-caruur oo arday dugsileey ah ayaa ku geeriyootay, waxaana geerida sidoo kale laga soo sheegay xaafadihii ay madaafiicda ku dhaceen 8-ruux oo kale iyadoo dhaawacuna uu kor u dhaafayo 15-ruux oo Madaafiicdaasi un ay ku habsatay.

Madaafiicdani ay Itoobiyaanka u qeybiyeen Xaafado kamid ah Muqdisho ayaa timid kadib markii dagaal xoogan lagu qaaday fariisimaha ay ku leeyihiin Isbartiibada Kubadda Cagta ee Muqdisho iyo goobo kudhaw halkaasi oo dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu ka dhacay.

Sheekh C/raxiim Ciise oo ah Afhayeenka u hadla hawlgallada Maxkamadhaa ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeyeen weerarkii lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Stadium Muqdisho iyo kuwa TFG-da ee fadhiya Isgoyska Towfiiq, wuxuuna sheegay in Xoogagooda uu dagaalka Ilaahey Nasri ku siiyay sida uu hadalka u dhigay isagoona xusay in dagaalka aanay wax dhimasho iyo dhaawac dhankooda uusan ka soo gaarin.

Muqdisho ayaa waxa ay noqotay maalin waliba xilliyo gaar ah in lagu kala cararo goobaha lagu sugan yahay oo qof waliba uu xaafaddiisa ka dhowaado haddii kale ay ku bilaabaneyso dagaal markaasi oo uu weynayo meel uu kabaxsado, waxaana ugu badan xilliyada gelinka dambe.

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques IntroductionIslamic finance and Banking is no longer just a theory or a dream. In fact it is now a r...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah