Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Tuullada yaaqbarweyne oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo fara badan ay iminka tahay goob degan.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu halkaasi kudhex maray Xoogaga Muqaawamada iyo Maleeshiyada TFG-da ee Itoobiya lagu soo tababaray oo ay wehliyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo sugayay Ammaanka Maleeshiyaadkaasi.
Maleeshiyadani oo markoodii horey kasoo dhaqaaqay Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ugu laabteen Buurhakaba halkaasi oo habeekii xalay ay baryeen.
Afhayeen u hadlay Xoogaga Kacdoonka oo lagu magacaabo Abuu-mansuur ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay kaga geeriyoodeen 3-ruux halka 3-kalena ay kaga dhaawacmeen, waxaana sidoo kale dhinaca Maleeshiyada TFG-da sarkaal u hadlay isna uu sheegay in 2-keliya ay ka dhaawacmeen lakin ay ku arkeen dagaalka Dagaal yahanno Ajnabi ah oo ku dileen halkaasi midna uu ahaa Pakistaani halka kan kalena uu ahaa Ciraaqi.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...