GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Friday
Sep 05th
Home Wararka Siyaasadda Golaha Dhexe ee Isbahaysiga oo Heshiiska Jabuuti Ansixiyey

Golaha Dhexe ee Isbahaysiga oo Heshiiska Jabuuti Ansixiyey

E-mail Print PDF

Golaha dhexe ee Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa shirkiis auga soconaya magaalada Jabuuti wuxuu shalay ku ansixiyey heshiihkii ay dhawaan halkaasi ku kala saxiixdeen ISbahaysiga iyo TFG-da kaasoo buuq badan dhex dhigay Isbahaysiga.

Sida sharciga Isbahaysiga u qoran ayaa gudigu fulintu heshiiska soo galay, haatanna dib ugu soo celiyey golaha dhexe kaasoo shalay sida uu sheegay Saleemaan Rooble oo ah madaxa warfaafinta  ay xubinhi halkaasi joogeen ku ansixyeen cod aqlabiyad oo gaaray 106 xubnood.

Wuxuui sidoo kale sheegay inay jiraan qodobo Yemen lagu wada gaaray oo u badnaa in  la codsado sidii faahfaahin looga bixin lahaa arrimaha qaar taasoo dib loogu dhigayo marka waqtigeeda la gaaro.

Arrimaha Yemen lagu gaaray ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in  ciidmada imaanaya laga dhigo kuwa dalalka islaamka ka imaanaya lana ogyahay waqtiga ay imaanayaan iyo kan ay baxayaan. Sidoo kale waxaa lagu dalbaday heshiiska Yemen in ciidamada Xabashiga ka baxaan meelaha shacabku degan yahay isla markaana la cadeeyo jadawalka ay dalka kaga baxayaan,

Xubno ka tirsan Isbahaysiga oo Jabuuti ku sugan ayaa innoo sheegay in awalba ay qorsahaha ugu jirtay in marka gudiyada nabad gelyada shaqo galaan ay tahay hawsha ugu horreysa ka saarista ciidamada goobaha shacabka iyo in la keeno jawdalka ay ciidamada Xabashiga ku baxayaan kaasoo haddii aan le helin uusan jirin horumar heshiisku ku talaabsan karo.

Nuxurka arrimaha la isku hayo ayaa u badan sida muuqata kuwa lagu kala riixanayo saamaynta iyo awoodda iyadoo aysan meesha ka marnayn dawladda ay Ragga Asmara martida u yihiin uu ku riixaysa inaan wax wadahadal ah la gelin ee dagaal lagu raadiyo in talada dalka Isbahayisga kaligii yeesho, taasoo u muuqata mid aan suurta gal ahayn balse dalka iyo dadkaba dhibaato joogta ah uun ku haynaysa una eg siyaasaddii qabqablayaashu dalka kula hareen dhawr iyo tobanka sano kuwaasoo mmidkoodna xoog ku meel marin kari waayey wuxuu rabo wadahadal iyo isu tanaasulna laga waayey.

Heshiiska ay maanta Jabuuri ku ansixiyeen golaha dhexe ee Isbahaysiga ayaa waxaa la filayaa inay ka biyo didsan yihiin qaar ka tirsan golaha dhexe kuwaasoo Asmaro ku sugan sheegayna inuu halkaasi shir uga socdo laakiin aan dhamayn kooram oo wararka qaar sheegayaan inay sodomeeyo xubnood yihiin.

Heshiiska Jabuuti oo awalba haystay taageerada inta badan waxgaradka, ganacsatada  iyo shacabka Soomaaliyeed  ayaa haatan wuxuu helay taageerada qaybta badan ee dagaalka gudaha ka wadda iyo ansixinta golaha dhexe ee Isbahaysiga, waxaase mar walba jira sida heshiisyada lagu yaqaano kuwa uga soo horjeeda si ra'yi ah ama dano gaar ah ama xagjirnimo ama cadaadin shiisheeye, waxaase shaki lahayn in laga gudbi karo caqabadan oo kale haddii aan dhibaato kale so kordhin.

 

Haddii Xubnaha Asamara ku sugan yimaadaan 

ay ugu muhiimsan tahay waqtiga bixitaanka ciidamada cadawga, 

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah