Dadka Garab raratada ah (Xamaaliga) ayaa ka cabanaya sicirka weli cirka kusii socda xilli Magaalada Muqdisho aysan kajirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah oo sidaasi u buuran.
Muuse Axmed waxa uu kamid yahay Dadka garab raratada ah, wuxuu uga waramay Shabakadda GOOBJOOG dhibaatada uu ka cabanayo, wuxuuna sheegay in ay qabaan dhibaato ka duwan midka ay qabaan dadka caadiga ah.
Waxa uu sheegay in maalintii oo idil oo uu wareego isla markaasina uu soo shaqeysto uu helo marka ay ugu badato 30.000 Sh.So taasina aysan u goynin xittaa Kiilo Bariis ah arrintaasina ay dhibaato ku tahay isaga iyo qoyskiisa maadaama ay qoyskiisa ka sugayaan in uu waxa uu shaqeeyay uu u geeyo.
Dhibaatadani ayaanu u aheyn ninkani sida uu u hadlay keligiisa, waxaase jira dad kale oo fara badan oo shaqeeya hadana aanan iskaabi Karin waxa ay shaqeeyaan iyo waxa looga baahan yahay qoys ahaan.
Inta badan eedeynta waxa ay dhusha kaga dhacdaa Ganacsatada iyadoo ganacsataduna ay ay sheegayaan in arrimahani ay wax ka qabanayaan hadana waxaa muuqaneysa in qiimihii uu gaaray badeecadaha kala duwan xilligii sicir bararka baahsanaa iyo diidista Kunka shilin uu illaa iyo iminka weli halkiisa ku ekyahay oo aanu jirin wax iska soo dhimay inuu sii kordho mooyaane.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...