Wararka inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo madani ah oo dhowaan loo sameeyay Xaafadda Farjanno ee maagalada Kismaayo in lakala diray Ciidamadaasi.
Ciidamadaasi Madaniga ayaa lagu soo waramayaa in loo kala diray kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Maamulkii Hoggaanka u hayay Ciidamadaani Madaniga ah oo ilaalin jiray Ammaanka Xaafaddaasi.
Qaar kamid ah mas’uuliyiintii horkaceysay Ciidamadaasi Madaniga ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in sababta ay u kala direen ay tahay kadib markii ay dadka deegaanka u dhamaan waayeen sida ammaanka loo sugayo isla markaasina odayaal qaar ay kasoo horjeesteen taasina ay sababtay in lawada joojiyo hawlihii ay Ciidamada Madaniga ay wadeen.
Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo Madani ah oo loo sameeyay xaafad kamid ah Magaalada Kismaayo la kala diray iyadoo arrimahanina ay inta badan dhacdo marka ay hoggaanka madaniga iskhilaafaan, waxaana ay sababi kartaa in ammaan dari ay kusoo kororto qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...