Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP oo deeq raashiin ah gaarsiisay Magaalada Jowhar ayaa waxaa laga bilaabay in deeqdaasi loo qeybiyo dadka dhibaateysan ee halkaasi kudhaqan.
Qeybtinta deeqdani ayaa waxaa ka dhalatay fowdo kadib markii ay isku buuqeen dadkii loogu qeybinayay Magaalada Jowhar, waxaana buuqaasi uu dhaliyay in Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga oo Ammaanka sugayay ay furaan rasaas ay dadka ku kala ceyrinayaan.
Rasastii ay fureen Maxkamadaha ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 3-ruux halka tiro intaasi ka badanna ay kudhaawacmeen iyadoo dadka dhaawacmayna qaarkood ay yihiin kuwa kudhaawacmay buurasahda dadka kadib markii halkaasi lagu kala cararay.
Waxaa ladhigay dadkaasi Isbitalka Magaalada Jowhar halkaasi oo lagu daweynayo, waxaana sarkaal u hadlay Maxkamadaha uu sheegay in aysan ka aheyn kas lakin ay kudhacday shilka iyaga oo wax badbaadinayay oo keliya.
Ma ahan goobtii ugu horeysay oo ay dad ku geeriyoodaan xilli raashiin loo qeybinayo, waxaana arrintani inta badan sababa qolyaha wax qeybinaya oo badankooda aanan isku dayin in ay dadka marka hore xakameeyaan.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...