GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Monday
Dec 01st
Home Wararka Siyaasadda Ban Ki Mon oo ku tilmaamay heshiiskii Jabuuti mid taageerid mudan.

Ban Ki Mon oo ku tilmaamay heshiiskii Jabuuti mid taageerid mudan.

E-mail Print PDF

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay BAN KI MON ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay leedahay taageeridda Heshiiskii Kooxaha Soomaalida kudhex maray wadanka Jabuuti.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Haweeneyda lagu magacaabo Maari Okambi o u warameysay Idaacadda QM ay leedahay ayaa sheegtay in ka bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee wadanka Soomaaliya uu yahay iminka su’aasha ugu weyn ee taagan.

Waxa ay sheegtay Afhayeennadani u hadahsya Ban Ki Mon in haddii Ciidamada Itoobiyaanka arrinkooda ka bixitaanka meel la saaro ay soo muuqaneyso ifafaalo nabadeed oo Soomaaliya laga helo isla markaasina uu najaxo Heshiiskii Dowlada iyo Mucaaradka ay ku saxiixdeen wadanka Jabuuti.

“Weli Ciidamada Midowga Afrika kasocda ee jooga Soomaaliya oo tiradoodu ay gaareyso 2650 askri oo loogu talagalay in ay Ammaanka wax ka qabtaan kadib marka ay Baxaan Ciidamada Itoobiyaanka ayaanan soo dhameystirmin, waxaana la filayay in ay Ciidamadaasi noqdaan 8-kun, kuwa hadda Soomaaliya joogana ma qaban karaan hawshii loogu talagalay in ay qabtaan sideedaasi kun Ciidan”ayay tiri Maari Okambi oo afhayeen u ah Ban Ki Mon.

Hadalka Ban Ki Mon ayaa kusoo beegmaya xilli Xaaladda Bani aadanimo ee kajirta wadanka Soomaaliya uu noqday mid aad halis u ah xilli ay sii kordheyso gaajada iyo abaarta taasi oo ay dheer tahay iyadoo la la’yahay cid damaanad qaada Ammaanka Hey’adaha Samafalka oo iminkaba dad fara badan oo samafal ka shaqeeeya ay naftooda ku waayen Gudaha wadanka Soomaaliya.

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques IntroductionIslamic finance and Banking is no longer just a theory or a dream. In fact it is now a r...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah