GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Monday
Dec 01st
Home Wararka Siyaasadda Sanca oo Lagu Heshiiyey iyo Kooxo Cabsi ka Qaba

Sanca oo Lagu Heshiiyey iyo Kooxo Cabsi ka Qaba

E-mail Print PDF

Waxaa shirkii uga socday maalmihii lasoo dhaafay garabka Maxkamadaha Islaamiga ah ee lafdhabarta u ah Isbahaysiga dib u xoraynta magaalada Sanca uu kusoo gabagaboobay is afgarad sida ay sheegeen qaar ka tirsan madaxdii Maxkamadaha.

Is afgaradka oo aan faahfaahintiisa warbaahinta si rasmi ah loogu soo gudbin ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey Soomaali badan oo ay ugu horreeyaan kuwii Isbahaysiga taageersanaa. Qodoba lagu heshiiyay ayaa waxaa ugu muhimsan sida wararka Isbahaysiga ku dhaw sheegayaan in Heshiiskii Isbahaysiga galay la sii wado, laakiin wax laga badalo qodobada qaar oo ay ka mid tahay nooca ciidamada ee Soomaaliya imaanaya.

Inkastoo aysan jirin cid ka mid ah ragga Asmara ka yimid oo heshiiskaa ka hadashay ogolaansho iyo diidmaba hadana waxaa ilo kala duwan cadaynayaan in Yemen is afgarad lagu gaaray.

Haddii heshiiska Yemen dhab noqdo waxaa sii yaraanaya khilaakfa Isbahaysiga iyo saamaynta ay yeelan karto ciddii haatan ka dib ka biyo diidka heshiiska waxaase faaqidayaasha qaar ay cabsi ka qabaan in saamayn ka timaaddo dawladaha qaar saamaynta ku leh Isbahaysiga kuwaasoo laga cabsi qabo inay mar kale cadaadis saaraan xubno  muhiim ka dhex ah Isbahaysiga oo ay billaaban canbaarayn kale iyo khilaaf lagu soo celiyo taageerayaashii Isbahaysiga.

Tallaabada ilaa haatan la gaaray ayaa ah mid aad u qiimo badan haddiiba ay hirgasho, waana mid ugub ku ah siyaasadda Soomaaliyeed in urur ama jabhad khilaafkooda warbaahinta aad u dhex galay ay is daba qabtaan oo ka heshiiyaan, waxaanay ilaa haatan gaashaan ku dhufteen cabsidii shacabku qabay inay wadadii jabhada maraan oo tii Cali iyo Caydiid oo kale oo islaamiyiin ah soo celiyaan. waxaase jire kooxo tiro yar oo aad uga soo horjeeda oo iyagu aaminsan inay talada dalka xoog kula wareegaan oo loo ogolaado inay kaligood talada dhabta ah yeeshaan ama weligii dagaalku socdo ilaa ama nooca guuleed ee ay rabaan gaaraan ama meesho halaqyo galeen iska ahaato si aan culays gaar ah kaligood fuulin, mar haddii ay ku jiraan dagaal caalami ah oo taladooda meelo kale ku xiran tahay.

 

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial

Zimbabwe’s Inflation Sinks Lower than Rock Bottom: Annan and Carter Trip Denial Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques

Murabahah: Islamic Financing Instrument and its Techniques IntroductionIslamic finance and Banking is no longer just a theory or a dream. In fact it is now a r...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah