Ankari katirsan Ciidamada Nabad sugidda dowladda TFG-da ayaa habeenkii xalay lagu dilay bartamaha Wanlaweyn oo katirsan Gobolka Sh/hoose.
Dilka Askarigani ayaa waxaa fuliyay kooxo bastoolado ku hubeysan iyadoo dilkiisana loo adeegsaday Bastoolad, waxaana markii la dilay la waayay cid halkaasi soo istaagta oo katirsan Maleeshiyada TFG-da sida ka dhacda Muqdisho iyo qeybo Gobolada kale ee ay TFG-da ay joogaan.
Dadka kudhaqan Degmada Wanlaweyn ayaa shabakadda GOOBJOOG waxa ay u sheegeen in meydka askarigaasi ugu dambeyntii ay goobta ka qaadeen dad ehelo ay yihiin kadib markii la waayay wax maleeshiyo TFG-da oo halkaasi ka qaadata.
Ciidamada Nabad sugidda ee la shaqeeya dowladda TFG-da ayaa badankooda lagu dilaa sidani oo kale mana jirto wax magdhaw ah oo lasiiyo eheladooda iyadoo Maleeshiyaadka qaar oo dhaawac ahaan loo gaarsiiyay isbitaallada Muqdisho la waysan yahay cid dhaawacyadooda daaweysa.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...