GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Sep 07th
Home Wararka Siyaasadda Dagaal saakay ka dhacay Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Dagaal saakay ka dhacay Huriwaa iyo Yaaqshiid.

E-mail Print PDF

Dagaal aad u xoogan ayaa saakay ka bilowday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxa uu ka dhacay Dagaalka Isgoyska Towfiiq oo ay kusugnaayeen maleeshiyada dowladda TFG-da iyo sidoo kale ceymiska, Warshaddii hore ee Baastada, Xeyle Bariise iyo garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho.

Salaaddii Subax ee saakay kadib ayay aheyd markii uu dagaalka si toos ah u bilowday wuxuuna ugu horeyn ku bilowday Dagaalkaasi kadib weerar xoogaga Muqaawamada ay ku qaadeen dhowr fariisin oo ay deganaayeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa TFG-da.

Isgoyska Towfiiq ayay lawareegeen saacado Xoogaga Muqaawamada sida uu sheegay C/raxiim Ciise Caddow oo ah Afhayeenka u hadla Maxkamadaha xilliyada hawlgallada, isaga oo sidoo kale sheegay in ay kaga geeriyoodeen dagaalkii saakay 2-ruux halka 3-kalena ay kaga dhaawacmeen.

Dhinaca kale Madaafiic ku habsatay guryo ay degan yihiin dad rayid ah ayaa waxaa ku geeriyootay 3-ruux oo rayid ah inkastoo dhaawacyaduna ay intaasi ka badan yihiin.

Majirto dhinaca dowladda TFG-da wax war ah oo kasoo baxay hayeeshee xaaladda goobihii ay dagaaladu saakay ka dhaceen ayaa iminka u muuqda goob xasiloon inkastoo weli goobahaasi aanu isugu soo bixin dadweynihii halkaasi deganaa.

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah