Weerar aad u culus ayaa habeenkii xalay lagu qaaday saldhig kuyaalla Bartamaha magaalada Baydhabo gaar ahaan xaafadda Mursal oo kudhaw Afar irdoodka.
Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid socday qadar 15-daqiiqo ah lakin rasaastii la isku weydaarsanaayay si aad ah looga maqlayay gudaha Baydhabo ayaa hadana wararka aanu halkaasi ka heleyno waxa ay sheegayaan in aanu jirin wax dhibaato ah oo halkaasi ka dhashay.
Dadka kudhaqan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lasoo gudboonaatay cabsi aad u xoogan oo ku aadan dagaalkaasi xalay Baydhabo ka dhacay, iyadoo maalmahani dambe uu dhaq dhaqaaq aad u xoogan uu kajiray gudaha magaalada Baydhabo kaasi oo ay wadeen xoogaga Hubeysan ee Muqaawamada.
Ciidamadii Itoobiyaanka ee la geeyay Baydhabo iyo kuwa TFG-da ayaa maalmahani dambe lagu arkay iyaga oo aanan kusoo dhiiraneynin in ay kusoo cararaan goobaha ay rasaasta ka dhacdo kadib markii la ogaaday in xoogaga muqaawamada ay dhinac waliba iska soo difaacaan marka ay weerarka kujiraan.
Lama garanayo aayaha Baydhabo cidda uu u dambeyn doono inkastoo saan saanta ka muuqata Baydhabo ay tahay maalmahani dambe goob dagaal.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...