Ciidamada Itoobiyaanka ee kusugan Magaalada Baladweyne ayaa maanta sii daayay dad fara badan oo ay shalay ka xirteen magaalada Baladweyne kadib markii ay dadkaasi ay mareen goob ay Itoobiyaanka diideen in la maro.
Dadka ay qabteen ayaa waxa ay ahaayeen kuwa saarnaa gawaari BL-ah kuwaasi oo marayay wado laami ah oo ku aktaala janta kundishe halkaasi oo ay diideen Ciidamada itoobiyaanka in lasoo maro.
Dadkii ay soo daayeen ayaa maanta waxa ay sheegeen in lasoo jirdilay isla markaasina badankooda six un loosoo garaacay, waxaana ay intaasi ku dareen in la weydiinayay halka ay kusugan yihiin maxkamadaha islaamiga iyo xoogaga kale ee kasoo horjeeda.
Waxa ay sheegeen in lagu tumayay ulo dhaadheer oo itoobiyaanka ay qaatan mar waliba oo ay soconayaan kaasi oo lamid ah bakooradaha ay Soomaalida qaataan.
Majirto cid ka hadashay arrintani oo ka dambqaneysa xilli qeybo kamid ah gobolada dalka ay kusugn yihiin maleeshiyaadka TFG-da oo iyagu sheenaya in ay damaanad qaadayaan Ammaanka shacabka xilli ammaankoodaba uu halis aad u daran kujiro.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...